Rooble oo si kulul uga hadlay muwaadiniinta socdaalkooda loo xannibo siyaasadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxmed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uusan mar dambe aqbali doonin in muwaadiniin socdaalkooda loo xannibo arrimaha siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hay’adda socdaalka in ay si toos ugu soo wargeliyaan cidii la timaada arrimahaas, si uu tallaabo uga qaado. Sidoo kale wuxuu sheegay in aan meelna laga celin karin diyaaradaha duulimaadyada ee isaga goosha dalka.

Wuxuu tilmaamay musharax walba in uu xaq u leeyahay in la dhawro xuquuqdiisa muwaadin iyo aragtidiisa siyaasadeed, sidaas darteed meesha uu raba u safri karo oo aan cidi hor istaagi karin.

Muuqaal: Hadalka Ra’iisul Wasaaraha

Guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo oo maanta warbixin ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo jeediyay in Ra’iisul Wasaare Rooble soo saaro wareegto uu ku amrayo dhammaan ciddii ay quseyso, gaar ahaan Laanta Socdaalka, Hay’adda Duulista Hawada iyo Hay’adda Nabad Sugidda ee ka howlgala garoomada diyaaradaha ee dalka, gaar ahaan kuwa ka howlgala garoomada Muqdisho iyo Kismaayo in aan nuwaadin aan maxkamadi dambi ku soo oogin aan sabab aragti siyaasadeed darteed loo xanimi karin socdaalkiisa guud ahaan Dalka, gaar ahaanna in la fasaxo diyaaradaha iyo muwaadiniinta u kala safraya Mogadishu – Garbahaarey, Kismaayo – Garbahaarey iyo Garbahaarey – Kismaayo.

Hay’adda NISA iyo dowlad goboleedka Jubaland ayaa dhawaan muwaadiniin u socday Gedo iyo Kismaayo u celiyay arrimo siyaasadeed.

PUNTLAND POST