Beledweyne: Macallin u geeriyooday ‘sunta beeraha’ oo caano loogu qasay

Booliska magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyay macallin dugsi quraan oo xalay xaaskiisu ku sumeysay magaaladaas.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Macallin Cumar Maxamed ayaa Boolisku sheegay in uu u geeriyooday sunta beeraha oo loogu qasay ceeno.

Boolisku wuxuu sheegay in ay soo qabteen haweeneydii falkaas geysatay oo sida ay xuseen maseyrsanayd.

Taliyaha Saldhigga Beledweyne Dhamne Maxamed Maxamuud Rooble ayaa warbaahinta uga warbixiyay sida ay u dhacdan dhacdadan.

Muuqaalka Taliyaha

Marxuumka ayaa maanta lagu aasay magaalada Beledweyne, waxaana aaskiisa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee magaalada.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa aad looga hadal hayaa baraha bulshada ee Soomaalidu ku xiriirto.

PUNTLAND POST