Eedeyn loo jeediyay Madaxweynaha Puntland

Jamaal Maxamed Xuseen, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni in uu yahay musharax qarsoon oo faragelinaya doorashada.

Wasiir Jamaal ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Madaxweynaha Puntland uu daahiyay ku dhawaaqistiisa musharaxnimo si uu saameyn ugu yeesho una maamulo doorashooyinka federaalka ee ka dhacaya Puntland.

Wasiir Jamaal oo ah xildhibaan deegaan doorashadiisu tahay Puntland ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland uu faragelin ku hayo odayaal dhaqanka, wakiillada iyo musharixiinta baarlamaanka.

Wuxuu tilmaamay in ay Puntland wado qadarin la’aan aan meel loogu soo gaban oo ka dhan ah dimuqraadiyadda, taasna aysan sii daawan doonin.


PUNTLAND POST