Xagee marayaa tartanka Euro 2020?

Italy vs Spain – England vs Denmark

Tartankii 16-aad ee horyaalnimada Yurub (Euro 2020) wuxuu billowday 11-kii Juun iyadoo lagu ciyaaray 11 magaalo oo waaweyn oo Yurub ah, markii ugu horreysay taariikhda 63-sano ka dib.

Tartankan oo qorshuhu ahaa in la qabto sanadkii hore ayaa u baaqday Coronavirus, wuxuuna hadda wataa magacii hore ee Euro 2020.

Spain, Italy, Denmark iyo England ayaa u soo baxay wareega afar dhamaadka (semi-final-ka) oo lagu qaban doono garoonka Wembley ee magaalada London.

Spain ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee u soo baxda semi-finalka Euro 2020 jimcihii, markii ay riigoorayaal 3-1 uga adkaatay Switzerlan, ciyaar waqtigeedii iyo midkii dheeriga ahaaba ku dhammaatay 1-1, waxaana maalintaas ku soo biiray Italy oo oo 2-1 ugu awood sheegatay Belgium.

Dhanka kale xulka Denmark ayaa sabtidii 2-1 uga badiyay Czech Republic, halka England ay 4:0 ku dardartay xulka Ukraine.

Xulka Italy ayaa wajahaya ciyaarta afar dhamaadka dhigooda Spain maalinta Talaadada 6 July, halka England ay la ciyaarayso Denmark Arbacada 7-da July 2021.

Labada xul ee u soo baxa kama dambaysta (final-ka) tartankan ayaa ciyaari doona Axada 11 July, 2021.

PUNTLAND POST