ABIY AHMED WUU SIRAY MADAXWEYNE FARMAAJO – Faallo

‘Dabkaas bidhaamaya’: Abiy Ahmed oo Madaxweyne Farmaajo ka dhaadhicinaya in Soomaaliya iyo Itoobiya ay hir doog leh ka soo durdurin doonaan isdhexgalka dhaqaale awgiis.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed kama dhaadhicin oo keliya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa loo yaqaan isdhexgal-dhaqaale oo Geeska Afrika “ka dhici doona”. Wuxuu ka raariday Madaxweyne Farmaajo xiriirka aan wanaagsanayn u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabtu innusan saamayn doonin isdhexgalka dhaqaale.

Hindisaha isdhexgalka dhaqaale waxaa watay maamulkii Trump oo u arkayay istaraatijiyad lagu yaraynayo saameynta Shiinuhu ku leeyahay Geeska Afrika. Madaxda Geeska Afrika way ku hadaaqayeen uun. Itoobiya waa dal Shiinuhu aad kala shaqeeyay tisqaadista waxa hadda loo yaqaan Dowladda Horumarinta (Developmental State); Eritreeya waa dal kelitalisnimo ay dilootay; Soomaaliya waa dal aan burbur weli ka soo kaban. Sidee isdhexgal dhaqaale u dhexmari karaa seddexdan dal?

Imaaraadka Carabtu waa dal saameyn siyaasadeed ku leh Geeska Afrika: wuxuu billad siiyay Isaias iyo Ra’iisal Wasaare Abiy; wuxuu gacanta ku dhigay maamulista dekedado Soomaaliyeed dowladda federaalka oo aan u fasaxin; waxay si dadban u maalgelisaa siyaasiyiin badan oo u tartamaya Madaxtooyada Soomaaliya aanse awoodin inay ka hadlaan qorshaha Isdhexgalka Dhaqaale ee Geeska Afrika oo ah “dhedo roob noqon weyday”.

Sidee dowladda federaalka Soomaaliyeed ugu doodi kartaa in dalka Imaaraadka Carabtu farogelin ku hayo Soomaaliya haddii dowladdu ay si tartiib-tartiib ah  u hirgalinayso qorsheyaal Imaaraadka iyo Itoobiya wada dhoodhoobeen?

Abiy Ahmed, Dhaxalsugaha Imaaraadka iyo Afwerke

Imaaraadku wuxuu u xuubsiibtay dal dallaal ah. Tobankii qof dadka dalkaas ku nool ku dhowaad 8 qof waa shisheeye. Xiriir ganacsi baa ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka hase ahaatee danta qaranka Soomaaliyeed kuma salaysnaan karto danta geddisleyda siyaasadeed oo u guntaday kireynta kaabayaasha dhaqaale ee Soomaalida.

Maanta halista ugu weyn waxay ku soo fool-leedahay kaabayaasha dhaqaale waayo Soomaaliya ma laha siyaasad heer qaran si looga hortago inay dowlado ama shirkado shisheeye ku adeegtaan.

Haddii xaalka siyaasiyiinta Soomaaliyeed noqdo “Af wax cunay xishoo” yaa ilaalinaya danaha qaranka Soomaaliyeed? Maxay Soomaalidu uga hadli kari la’dahay kaabayaasha qaranka sida dekedaha sida ay uga hadasho badda Soomaaaliyeed oo ay siyaasiyiin dhegweyn ahi muran galiyeen kaddib markii ay Kenya u saxiixeen heshiis is afgarad?

Haddii Imaaraadku siyaabo kala duwan u maalgashado madaxda Soomaaliyeed waxa aan la huri doonin in Soomaaliya ku caanbaxdo siyaasad iyo siyaasiyiin “ii dhiib ah”. Soomaaliya wax ii dhiib lagu doono ka wayn.

© PUNTLAND POST, 2021