Wejiga kowaad ee ballaarinta dekeda Berbera oo xariga laga jaray

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan madaxda ka tirsan Itoobiya iyo shirkadda DP World ayaa maanta gelinkii dambe xarigga ka jaray wejiga kowaad ee mashruuca ballaarinta iyo casriyeynta dekeda Berbera.

Dekeda Berbera ayaa wejiga kowaad lagu kordhiyey 400 (Afar boqol) oo mitir oo ay u dhammaystiran yihiin dhammaan waxyaabihii looga baahnaa deked caalami ah.

Munaasibadda xarig-ka-jarista marsada Berbera waxaa ka qeybgalay Maamulaha guud, ahna Guddoomiyaha shirkadda DP World, Suldaan Axmed Bin Sulaymaan, wafdi ka socda Itoobiya oo hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda dawladda Federal-ka Itoobiya, Axmed Shide oo ay wehelinayaan wasiirka Gaadiidka Marwo Dagmawit Moges Bekele iyo madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar, xubno wafdi ah oo hoggaaminayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Guinea Bissau Baciro Dja, wafdi ka socda dalka Kenya iyo diblumaasiyiin kale.

Munaasibadda ayaa laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay dekeddu u leedahay guud ahaan bulshada geeska Afrika iyo gaar ahaan shacabka reer Somaliland iyo kaalinta ay ka qaadanayso kor-u-qaadista dhaqaalaha iyo kobcaha dakhliga dadweynaha iyo dawladahaba.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa sharraxay faa’iidada ay ballaarinta marsada Berbera u leedahay bulshada reer Somaliland iyo bulshooyinka geeska Afrika ku dhaqan, waxana uu tilmaamay inay dhaqaalaha Somaliland horumarin doonto.

Wasiirrada Maaliyadda iyo Gaadiidka ee dawladda Federal-ka Itoobaiya, Mudane Axmed Shide iyo Marwo Dagmawit Moges oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna si isku mid ah u ammaanay horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay iyo kaalinta ay ka qaadanayso fududaynta iyo horumarka gancsiga Somaliland iyo Itoobiya ka dhexeeya.

Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar, ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyey si gaar ah diirradda ugu saaray faa’iidada ay shacabka dawlad-deegaanku ka filayaan ballaadhinta marsada caalamiga ah ee Berbera iyo sida ay u xoojinayso ganacsiga labada shacab ka dhexeeya.

Guddoomiyaha, ahna Maareeyaha guud ee shirkadda DP World Axmed Suldan Bin Sulaymaan, ayaa isaguna ka sheekeeyey muhiimadda ay dekedda Berbera u leedahay gobolka, isaga oo tilmaamay inay shirkad ahaan u hagar baxeen casriyeynteeda, islamarkaana ay u dhammaystireen wax kasta oo ay deked caalami ahi u baahan tahay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa ugu horrayn si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey wufuudda caalamiga ah iyo saaxiibbada Somaliland ee kasoo qayb-galay furitaanka wejiga koowaad ee ballaarinta dekedda Berbera.

Muuse Biixi wuxuu tilmaamay in dawlado badan ka hor yimaadeen dhismaha dekeda Berbera oo ay duufaanno colaadeed ku kiciyeen, isaga oo madaxda shirkadda DP World uga mahadnaqay sidii ay ugu dhabar-adaygeen culaystyadii la saaray.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu farriin muhiim ah u diray shacabka reer Somaliland oo usoo jeediyey inay ka faa’iidaystaan dekedda loo dhisay ee la ballaariyey, muujiyaanna ilbaxnimo, aaminaad, furfurnaan, soo dhaweyn, shaqo-wanaag iyo hawl-fufudayn, karti iyo dedaalna kaga qaybgalaan tartanka dunida ka socda.

PUNTLAND POST