Qodobadii diiradda lagu saaray shirka Golaha Wasiirada Puntland

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta shir-guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland.

Bayaan kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in shirka Golaha Wasiirada looga hadlay Amniga, Dhismaha Marsada iyo Suuqa Boosaaso iyo warbixinta qorshaha horumarinta Puntland sida qiimeynta iyo dabagalka mashaariicda horumarin.

Shirka Golaha Wasiirada waxaa ka qeyblalay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cimi Cismaan Karaash.

PUNTLAND POST