Muxuu yahay u jeedka safarka Wasiirada Itoobiya iyo Madaxweyne Mustafe Cumar ee Berbera?

Wasiirada Maaliyadda iyo Gaadiidka dalķa Itoobiya Axmed Shide iyo Marwo Dagmawit Moges Bekeledalka iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cumar ayaa maanta gaaray magaalada Berbera.

Ujeedka safarkooda ayaa ah ka qaybgalka furitaanka ballaadhinta wejiga koowaad ee dekeda Berbera ee ay gacanta ku hayso shirkada Dp World oo maanta galinka dambe la shaacin doono.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo maalintii labaad ku sugan magaalada Berbera ayaa la kulmay waftiga ka socda dalka Itoobiya.

Sidoo kale madaxweynaha Somaliland ayaa qaabiley Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Guinea Bissau Baciro Dja iyo wafti uu hoggaaminayo oo ka qaybgalaya munaasibada furitaanka dekeda Berbera.

Dowladda Itoobiya ayaa saami 19% ku leh maalgashiga dekeda Berbera, waana heshiis ay horay u wada galeen Somaliland, Dp World iyo Itoobiya.

PUNTLAND POST