Maxay yihiin shuruucda iyo dhismaha hay’adaha uu digniinta ka soo saaray Aqalka Sare?

Aqalk Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray digniin ku saabsan ku dhaqanka shuruuc iyo dhismaha hay’addo aan soo marin Aqalka sare.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Golaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in ay si dhaw ula socdaan, isla markaana diiwaan galiyeen dhamaan isku dayada, iyo wareegtooyinka lagu dhaqangelinayo shuruuc, laguna sameynayo hey’addo khilaafsan dastuurka KMG ah, kuwaas oo aan soo marin Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Aqalka Sare wuxuu digniintan ku wargeliyay dhammaan hay’adaha dowladda federaalka, dowlad goboleedyada, hay’adaha bulshada rayidka ah, iyo hay’adaha Caalamiga ah ee kaalmeeya Soomaaliya.

Shuruucda iyo dhismaha hay’adaha uu sharci darrada ku sheegay Aqalka Sare ayaa kala ah:

1. Wax ka baddel lagu sameeyay xeerka maareynta maaliyadda guud

2. Ansixinta xubnaha guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

3. Ansixinta xubnaha golaha adeegga garsoorka

4. Ansixinta sharciga wax ka baddelidda qodobka 10-aad ee sharciga lagu dhisay guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo federaalka.

5. Ansaxinta sharciga hay’adda diiwaamgelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed.

6. Ansixinta wax ka baddelidda qodobka 9-aad ee sharciga lagu dhisay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.

PUNTLAND POST