Yaa lagu eedeeyay dilkii Sheekh Cali Dheere ee Gaalkacyo?

Marxuum, Sheekh Cali Dheere

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay magaca nin lagu eedeynayo dilkii Sheekh Cali Axmed Faarax Dhoore (Sheekh Cali Dheere) oo ahaa maamulihii Guud ee Jamciyadda Imaamu Nawaawi ee gobolka Mudug, kaas oo 17/5/2021 lagu dilay deegaan hoostaga Gaallkacyo.

Xeerilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya Muumin Xuseen Cabdullaahi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in baaritan kadib dilka Marxuumka uu ku cadaaday Dable Cabdixakiin Cabdisalan Aadan oo ka tirsan Ciidanka Saldhiga Booliska Gaalkacayo ee Galmudug.

Sidoo kale Xeerilaaliye ku xigeenka ayaa intaas ku daray in dilka gacan ay ku siiyeen Askariga eedeysanayaal kale oo kala ah ina Saciid Cabdi Xidig & ina Baalbaal, oo dilka kadib u baxsady dhanka degmada Galodogob ee gobolka Mudug.

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya waxay sheegtay in guddigii baarista kiiskan loo saaray ay u soo baxday in saraakiisha Booliska ee qeybta gobolka Mudug & Xafiiska la dagaalanka Argagaxisada ay sameeyeen waajib gudasho la’aan la xiriira dhacdadaan lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

PUNTLAND POST