Maxay ka wadahadleen Madaxweyne Deni iyo Safiirka cusub ee Itoobiya?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya u soo magacowday Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Puntland iyo Itoobiya, sida dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo Horumarka.

Madaxweyne Deni iyo Safiir Cabdifataax ayaa markii kulanku u soo dhammaaday shir jaraa’id oo ay qabteen ku faahfaahiyay waxyaabihii ay ka wadahadleen.

Daawo muuqaalka shirka jaraa’id.

Waa markii ugu horreysay oo meel Muqdisho ka baxsan uu booqdo Safiirka cusub ee Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan.

PUNTLAND POST