In ka badan 10 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax ismiidaamin ah oo khasaare geystay ayaa goordhaweyd ka dhacay afaafka hore xero ciidan oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa lala beegsaday dhalinyaro taagnaa afaafka hore xerada tababarka ciidamada ee Janeraal Dhegabadan, kuwaas oo loo qorayay ciidanimo, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen in ka badan 10 qof oo dhalinyaro u badan, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Ciidamada ammaanka oo halka qaraxu ka dhacay soo gaaray ayaa xiray waddooyinka soo gala xerada, waxaana hadda goobta ka socda howlgallo isugu jira gurmad iyo baaris.

Laamaha amniga dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin qaraxa ka dhacay afaafka hore ee xerada tababarka ciidmada ee Janeraal Dhegabadan.

PUNTLAND POST