Axmed Madoobe iyo Beesha Caalamka oo kulan yeeshay

Magaalada Kismaayo waxaa maanta kulan ku yeeshay Madaxweynaha Jubaland iyo wafdi uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka dhawaan la filayo in ay ka dhacaan dalka.

Wafdiga James Swan waxaa kamid ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira iyo xubno ka socday Midowga Yurub iyo urur goboleedka IGAD.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo James Swan ayaa kulanka ka dib shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyay wixii looga hadlay kulanka.

Shirka jaraa’id ee Axmed Madoobe iyo Swan

Beesha Caalamaka ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo gaar gaar ah la qaadanaysay madaxda Soomaaliya, iyagoo kala hadlay dhaqangelinta war-murtiyeedkii 27-kii May.

Beesha Caalamka ayaa dhinacyada siyaasadda Soomaaliya caddaadis ku saaraysa dhaqangelinta heshiiskii 27 May ee arrimaha doorashooyinka, oo weli aan sidii la rabay loo fulin.

PUNTLAND POST