Guudlaawe oo ka codsaday Beesha Caalamka in AMISOM ku biirto howlgallada Shabeellooyinka

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilada Qaramada Midoobe, Midowga Afrika, Safiirka EU iyo Urur Goboleedka IGAD.

Qoraal ka soo baxay Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Guudlaawe uu Wakiillada Beesha Caalamka uga warbixiyey sida ay ugu diyaargaoowday Hirshabeelle doorashada heer federaal, uuna cadeeyay inay qaban doonaan doorasho xalaal ah oo si nabad ah ku dhacda.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in Madaxweyne Guudlaawe uu kala hadlay Wakiillada Beesha Caalamka howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobollada Shabeelooyinka, soona jeediyay in howlgadaas ay ku biiraan ciidamada AMISOM.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle waxa uu ka codsaday Beesha Caalamka in la garab istaago oo loo gurmado dadka ay dhibaateeyeen fatahaada Wabiga Shabeelle lagana wada shaqeeyo xal u helida aafooyinka fatahaada iyo in la hirgaliyo biyo xireeno.

Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa cadeeyay in Hirshabeelle ka caawin doonaan xal u helida fatahaadaha iyo caawinta arrimaha bini’aadanimada.

PUNTLAND POST