Tan iyo markii dhidibbada loo taagay dawladda Israa’iil sanadkii 1948-dii, waxaa jiray taageero aan shuruud ku xirnayn oo reer galbeedku la garab taagnaayeen dawladda Yuhuudda.
Taageeradii galbeedka gaar ahaan Maraykanku ay Israa’iil siin jireen, waxaa saldhig u ahaa dhawr arimood oo ay ugu mudnaayeen: Kow, Jaaliyadaha xoogga badan ee Yuhuudda ah ee dalalkaas ku nool. Labo, geopolitiggii adduunka gaar ahaan dagaalkii qaboobaa oo jiritaanka Israa’iil muhiimad gaara siinayey. Saddax caadifad togan oo ka dhalatay xasuuqii Nazigu u gaystay dadkii Yuhuudda ahaa dagaalkii labaad ee adduunka.
Afar, Lobby-ga (dullaaliinta siyaasadda) ilaaliya danaha Israa’iil oo xildhibaanada muhiimka ah ee Maraykanka iyagu soo saara, saamayn wayna ku leh qaraarada siyaasiga ah. Iyo ugu danbayn, Christian-zionistaha Jamhuuriga ka tirsan oo qaba in la taageero Israa’iil si qiyaamaha dhicistiisu u soo dagdagto (kuwaan waxa ay aaminsan yihiin in marka dawlad yahuudeed ay dhulka Falastiin ka hir gasho oo gayigaas oo dhan ay camirto, Ciise soo dagi doono oo uu cadawgiisa baabi’in doono.)
Sabab waliba taageeradaas ha suurta galisee waxaa xaqiiq ah in taageerayaashii qadiimka ahaa ee Israa’iil ay jeclaan lahaayeen in taageeradoodi aan sharuuddu ku xirnayni ay sii waarto, laakiin waxaa jira dareen sii kordhaya oo laga qabo in wax waliba ay sidoodii hore u socon waayaan.
Waxaa jira dhawr arrimood oo taageeradaas (waa taageerada Maraykanka midda aynu inta badan ka hadli doonnaaye) mustaqbalka mugdi galin doonta oo ay walaac ballaaran ka qabaan waxgaradka Yuhuuddu. Arimahaas waxaa ka mid ah.
1- Isbaddal siyaasadeedka Israa’iil
Inta badan siyaasiyiintii waawaynaa ee reer galbeedku waxa ay ku garaadsadeen Isra’iil oo ay ka arimayaan dawlado Libaral ah oo kula saaxiibi jirey danahooda hadba maamulkii markaas dawladaha galbeedka ee waawayn taladu u haya, gaar ahaan Maraykanka. Laakiin labaatankii sano oo u dambaysay siyaasadda Israa’iil waxa ay u janjeertay dhanka axsaabta garabka midig, gaar ahaan xagjirka mayalka adag. Tani waxa ay ka fogaysay axsaabta garabka bidix ee galbeedka ka jiray gaar ahaan kuwii reer Yurub. Fal-celiskaani waxa uu si qumman u muuqdaa mar walba oo qaraar taageero u ah reer Falastiin ama cambaarayn ku ah Israa’iil la hor keeno Qarammada Midoobay. Inta badan dawladaha reer Yurub lama gabbadaan cambaaraynta Israa’iil.
2- Caro ka dhalatay qaabkii Obama loola dhaqmay
Tan iyo markii uu Obama bilaabay wada-xaajoodkii ku aaddanaa hubka wax guumada ee Iiraan Natanyahu waxa uu dhabarka u duwayey xisbiga Dimmuquraadiga oo ah xisbiga ay dadka Yuhuudda ahi 75% ay taageeraan. Wuxuuse dagaalka ugu ba’an la galay madaxwayne Obama oo uu siyaasaddiisii Iiraan golaha shacabka ee Maraykanka uu ka dhaleeceeyey. Arintaas, oo ay xisbiga Jamhuuriga, oo markaas ahaa aqlabiyadda baarlamaanka soo abaabula, waxa ay noqontay markii ugu horraysay oo hoggaamiye shisheeye uu aqalka shacabka uu madaxwayne Maraykan ah oo wali talinaya uu siyasaddiisa ku dhaleeceeyo.
Tani waxa ay caro wayn ku abuurtay kaadiriinta xisbiga oo u arkay ihaano loo gaystay xisbiga iyo hoggaankiisaba.
3- Xulufo la noqoshadii Trump
Natanyahu iyo xulufadiisii xagjirka ahayd waxa ay rajaynayeen Trump oo mar labaad la doortaayi in ay tahay fursaddii lagu min-guurin lahaa dhulka reer Falastiin. Trump oo ahaa hoggaamiye aan lahayn qiyam siyaasadeed iyo mid akhlaaqeed toonna waxa uu horay Natanyahu ugu abaal mariyey in uu laalo rajo walba oo ay dadka reer Falastiin lahaayeen. Tani waxa ay caro ku abuurtay in badan oo ka dhur sugayay in ay mar uun arkaan dawlad dadka reer Falastiin leeyihiin. Nasiib wanaag, siddeetankii milyan ee Maraykanka ahayd ee diidday siyaasaddii gurracnayd ee Trump, waxa ay sidoo kale si dadban na u diideen siyaasadihii saaxiibbadii Trump shirkada kula ahaa afkaarta.
4- Baraarug ka dhex jira Xisbiga Dimmuquraadiga
Inta badan xisbiga Dimmuquraadiga ayuu ahaan midka saaxiibtimimada guunka ah la lahaan jirey Israa’iil. Jiilkii waawaynaa ee xisbiga u talin jiray iyaga oo qaddarinaya taageerada ay ka helaan jamaahiirta Yuhuudda ah ee xisbiga taageera waxa ay aamminsanaayeen in isgarab taagga Israa’iil uu mar walba waajib yahay. Laakiin hadda jiilkaas waxaa baddalaya jiil dhallinyaro ah oo taageerayaasha xisbiga sees iyo saldhigba u ah, aaminsanna in Israa’iil lagula xisaabtamo afcaasheeda.
Cadaadiskii xoogga badnaa ee uu dhawaan madaxwayne Biden xisbigiisa kala kulmay markii uu socday dagaalkii Qasa, waxaa saldhig u ahaa kooxdaan. 140 urur oo garabka bidix ee fog ee xisbiga Dimuqiraadiga ah ‘PROGRESSIVE’ ayaa dhaleeceeyey gaboodfalkii ay Israa’iil ka gaysatay Qasa, codsadayna in dagaalka si dagdag ah loo joojiyo. Kooxahaani waa kuwii lafdhabarta u ahaa soo bixitaankii madaxwayne Biden.
Sidoo kale kaadiriinta jamaahiirta Progressive-ka ku matala xisbiga iyo golaha shacabkaba ayaa markii ugu horraysay taariikhda si xun uga dhaleeceeyey golaha shacabka siyaasadda Israa’iil ee ku aaddan dadka reer Falastiin.
5- Dhaqdhaqaaqa: Black Lives Matter
Dhaqdhaqaaqaan oo ah mid u damqada nolosha dadka madow ee Maraykanka ayaa in dhawaalaba waxa uu ku dhawaaanayey dadka reer Falastiin. Dhaqdhaqaaqaan oo gilgilay magaalooyinka waawayn ee Maraykanka ka gadaal dilkii George Floyd ayaa madaxdiisu waxa ay Isra’iil ku tilmaamaan kuwo la mida dawladdii Cunsuriga ahayd ee Koonfur Afrika.
Dhaqdhaqaaqa oo hadda ka hor safar ku tagay daanta galbeed lana kulmay dadka reer Falastiin ee halkaas ku nool waxa uu qabaa in iyaga xil ka saaran yahay dhammaan shucuubta dulman oo ay reer Falastiinna kow ka yihiin. Dhaqdhaqaaqaan oo leh taageerayaal dhalinyaro caddaan ah u badan waxa uu kow ka ahaa xoogaggii madaxwayne Biden culayska ku saaray in la joojiyo gumaadkii Qasa.
6- Isbaddalka ku dhacay qaabka xogta loo helo
Inta badan dhalinyarada Maraykanka caadi uma ahaaan jirin in ay raadraacaan wararka caalamiga ah mana aysan xiisayn jirin daawashada iyo dhagaysiga xogta wararkaas ku saabsan. Haddii ay xiisayn lahaayeenna ma jirin warbaahin ku mashquulsanayd tabinta dhibbanayaasha garabka dulman. Hadda xaalku sidii hore waa uu ka gaddisan yahay.
Waxaa lagu jiraa casrigii Xogta, oo qof waliba uu taleefoonkiisa gacanta ka helayo xogtii ugu dambaysay, iyada oo waliba uu dhibbanihii dulmanaa uu dhibtiisii caalamka isagu la wadaagayo. Tani waxa ay abuurtay in dhalanyaradii iyo dadkii kale ee aan fursadda u heli jirin la socoshada iyo raadinta warka dhibbanayaashu, ay ku baraarugaan xajmiga dhibka, gaar ahaan midka haysta dadka reer Falastiin.
Gunaanad
Dhammaan qodobadaan oo isbiirsaday ayaa sabab u ah ayaa la leeyahay in Israa’iil ay dhumin doonto caadifaddii ay ka heli jirtay xisbiga Dimuqiraadiga haddii anay ka soo noqon dhabbaha qarda jeexa ah ee ay hayso. Laakiin waxgaradka Yuhuudda ah ee galbeedka iyo Israa’iil ba ku nool waxaa u muuqda walwal iyo walaac intaan ka wayn.
Thomes Friedman oo ah ninka ugu caansan inta wax ku qorta wargayska New York Times Yuhuudi Maraykan ahna ah ayaa dhawaan yiri: “waxaa dhici karta in madaxwayne Biden uu noqdo madaxwaynihii u dambeeyey ee Dimuquraaddi ah oo Israa’iil taageero u haya.”
Friedman iyo in badan oo kale oo la fikir ahba waxaa u muuqda in laga gudbay xilligii dadka la khaldi karay ama la marin habaabin karay. Waxaa lagu jiraa ayay qabaan bilowgii casrigii xogta iyo baraarugga oo aan aqbalayn siiyasaddii Israa’iil ee ku dhisnayd kala sooca cabburinta iyo ku gaboodfalka xuquuqda aadanaha. Waxaa kale oo u muuqda isbaddalka xoogga leh ee ku socda labada xisbi-siyaasadeed ee Maraykanka.
Bidixdii (Dimuquraadiga) oo u sii siqaya xagga Progressive-ka oo Israa’iil ka aaminsan mid la mida nidaamkii midab takoorka South Africa iyo midigtii (Jamhuuriga) oo u sii siqaya dhanka xagjirnimada Yuhuud nacaybka caanka ku ahaa.
Waxaa u muuqda in Israa’iil la mid noqon doonto ‘hal nin gurran dheelmay oo aan dhanna u fiyoobayn’.
Mohamed Ahmed Elmi.