Maxay ka wadahadleen Rooble iyo James Swan?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxmed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ka wadahadleen hirgelinta doorashooyinka, gurmadka dadkii ku waxyeelloobay fatahaadaha iyo xakameynta caabuqa Covid-19.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa todobaadkii hore Garowe kula kulmay madaxweynaha Puntland, isagoo kala hadlay dhaqangelinta war-murtiyeedkii 27-kii May.

Beesha Caalamka ayaa dhinacyada siyaasadda Soomaaliya caddaadis ku saaraysa dhaqangelinta heshiiskii 27 May ee arrimaha doorashooyinka, oo weli aan sidii la rabay loo fulin.

PUNTLAND POST