Villarrea oo ku guuleysatay koobka Europa League

Kooxda kubadda cagta Villarrea ayaa ku guuleysatay koobka labaad kooxaha Yurub ee Europa League, markii ay riigoorayaal ku garaacday Manchester United.

Ciyaarta kama dambeysta oo xalay ka dhacday dalka Poland ayaa ku dhamaatay 1-1 waqtiga caadiga ah iyo waqtiga dheeriga ah. Kooxda reer Spain ee Villarrea ayaa qaybtii hore ee ciyaarta la hormartay gool uu u dhaliyey Moreno, waxaase barbarraysay United oo qaybtii dambe uu u dhaliyey Edinson Cavani.

Riigoorayaal loo dhigay labada kooxood ayaa 11-10 ku badisay Villarreal, waxaana Manchester United guuldarrada ku hoggaamiyey goolhayahooda David de Gea oo gool ku laadkii ugu dambeeyey laga qabtay.

Villarreal ayaa ciyaareysay finalkoodii ugu weynaa abid, tababare Emery wuxuu markii afraad ku guuleystay koobka Europa League, horey wuxuu saddex jeer kula guuleystay kooxda Sevilla.

Dad badan ayaa sanadkan Manchester United u saadaaliyay koobka Europa League, iyagoo ku qiimeynaya taariikhdeeda qotada dheer, balse taasi ma dhicin.

PUNTLAND POST