Maxay Soomaaliya ka tiri go’aanka Kenya ee joojinta duullimaadyada?

Duraan Axmed Faarax

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aanka dowladda Kenya ee joojinta duullimaadyada labada dal ku timaantay arrin cajiib ah oo aan la garin karin.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax oo hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay in tallaabada Kenya ee joojinta isu socdka dadka ay tahay wax lala yaabo.

“Markii xiriirku uusan soo noqon ka hor wixii labada dowladood u dhxeeyay oo ahaa isu socodka dadka in ay hadda Kenya joojiyo waa arrin cajiib ah oo aan la garan karin” ayuu yiri Wasiir Duraan.

Wasiir Duraan ayaa sheegay in maalmo ka hor dowladda Soomaaliya si niyad wanaag ah go’aan ku gaadhay in la soo celiyo heshiiskii labada dal ee deriska ah, taas baddelkeedana laga sugayay Kenya.

Wuxuu sheegay in uusan jirin go’aan deg deg ah oo hadda Soomaaliya gaarayso, balse dowladda ka tashan doono arrintaas.

Hay’adda Duulista Hawada u qaabilsan dowladda Kenya, ayaa maanta oo Talaado ah hakisay dhammaan duulimaadyadii u dhexeyey Soomaaliya iyo Kenya.

Xayiraadda ay soo rogtay Kenya ayaa ka dambaysay, markii hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay 9-kii bishan May sheegtay in xayiraaddii duulimaadyada qaadka Miraa ay weli taagan tahay, taas oo wararku sheegayaan in ay carootay Kenya.

PUNTLAND POST