Heshiis laga gaaray rabshadihii Muqdisho

Kulan galabta ka dhacay Muqdisho oo Ra’iisul Wasaare Rooble, madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle iyo mucaaradka yeesheen ayaa heshiis looga gaaray rabshadihii dhawaan ka dhacay Muqdisho.

Kulanka oo warbixin looga dhageystay guddigii farsamada talabixinta ee dhawaan Ra’iisul Wasaare Rooble magacaabay ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, Madaxweynayaashii hore ee Dalka Xasan Sh. Maxamuud iyo Sh. Shariif Sh. Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo hoggaamiyaha Xisbiga wadajir Cabdirahman Cabdishakuur, wuxuuna kulnakaasi ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Madaxweyne Qoorqoor.

Guddiga farsamada ayaa saxaafadda ka hor akhriyay war-saxafadeed ka soo baxay kulankaas oo ka kooban 10 qodob oo kala ah.

1. In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

2. In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.

3. In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan.

4. In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.

5. In Ra’iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida.

A. In aysan ku milmin arrimaha Siyaasadda.

B. In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.

6. In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka.

7. In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.

8. In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.

9. In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.

10. Fulinta qodobadaan waxaa mas’uul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.

Halkan ka daawo muqaalka war-saxaafadeedka

PUNTLAND POST