Beesha Caalamka oo kulamo la qaatay Roobe iyo Mucaaradka

Beesha Caalamka ayaa maanta kulamo la qaadatay Ra’iisul Waare Rooble iyo qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta, kuwaas oo looga hadlay doorashada Soomaaliya iyo caqabadaha ku gadaaman.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in uu Beesha Caalamka kala hadlay sidii ay dalka uga dhici la hayd doorasho daahfuran iyo sidii ay taageero caalami ah u heli la hayd doorashadaasi.

“Waxaan maanta kulan muhiim la yeeshay saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya, kaas oo aan ku gorfeynay hannaanka doorashooyinka dalka, sida ay nooga go’atahay qabashada doorasho daahfuran iyo muhiimmadda taageerada Beesha Caalamka ee geeddi socodka doorashooyinka dalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Dhanka kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in kulan ay aalada internet-ka kula qaateen Beesha Caalamka la isku raacay in la suuliyo caqabadaha ku gudban midaynta ciidanka iyo qabashada doorasho la isla ogolyahay.

“Kulan aaladda la iska arko maanta ku dhexmaray safiirrada UK, EU, US iyo UN, iyo qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta, ayaa la isku afgartay dhammaan qodobbadii laga wadahadlay oo ay kamid ahaayeen in la taageero dadaallada Ra’iisul Wasaare Rooble, la suuliyo caqabadaha ku gudban midaynta ciidanka iyo qabashada doorasho la isla ogolyahay” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

PUNTLAND POST