
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay wararka sheegaya in baarlamaanku qorsheynayo xilka qaadis uu ku sameeyo Ra’iisul Wasaare Rooble.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Mursal ayaa lagu sheegay in kulanka Sabtida ee baarlamaanka uu yahay mid madaxweyne Farmaajo ku codsanayo dib u noqoshada heshiiskii 17 September 2020.
Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Muqdisho la soo geliyay warar lagaga been abuuranayo Baarlamaaanka oo sheegaya in xilka qaadis lagu sameynayo Ra’iisul Wasaare Rooble.

PUNTLAND POST