Rooble oo ka hadlay xaaladda Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay iska hor-imaadyadii saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadal kooban soo duubay ayaa sheegay in uu ka xun yahay dhibaatadii ka dhacay Muqdisho, isla markaana xalka ugu haboon ee arrintaas lagu xalin karo yahay wadahadal.

Ciidamada amniga ayuu faray in ay gutaan waa jibaadkooda oo ay dhowraan oo ka hortagaan khatar kasta oo bulshada dhibaato u keeni karta.

Shacabka ayuu ugu baaqay in ay dowladda kala shaqeeyaan amniga iyo xasiloonida Muqdisho.

PUNTLAND POST