Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo IGAD oo baaq u diray madaxda Soomaaliya

Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ugu baaqay in ay si deg deg ah ugu soo laabtaan wadahadalada xal u helista doorashada.

 War-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo IGAD ayaa lagu sheegay in aysan taageeri doonin hannaan doorasho oo is bar-baryaac ah, muddo kororsi iyo qorshe kasta oo dhaawici kara amniga, nabadda iyo xassiloonida Soomaaliya.

Waxay ugu baaqeen labada dhinaca ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada in ay heshiis ka gaaraan is-mariwaaga doorashada, laguna saleeyo heshiiskii 17-kii September 2020 iyo is fahankii February 2021.

PUNTLAND POST