Beesha Caalamka oo diiday codsi ay u gudbisteen Maamul Goboleedyada taageersan Villa Somalia

Wakiilada Beesha Caalamka, ayaa xalay Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada taageersan Villa Somalia.

Kulanka labada dhinac, waxa looga hadlay muranka iyo isfaham-waaga ka taagan qabsoomidda shirka Arrimaha doorashooyinka, kadib markii natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii lagu diyaarin lahaa ajandaha shirka guud.

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa sida la xaqiijiyay wakiilada Beesha Caalamka u sheegay in Puntland iyo Jubaland ay fashiliyeen shirka, islamarkaana aysan doonayn in doorasho dalka ka dhacdo.

Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Lafta Gareen ayaa sidoo kale codsaday, in iyagana la fasaxo si ay dib ugu laabtaan Gobolladii ay ka yimaadeeen.

Ha yeeshee, wakiilada Beesha Caalamka ayaa diiday codsiga saddexdaas madax-goboleed, waxaana lagu wargeliyay in cid kasta oo shirka baxda loo aqoonsan doono Qaswade.

Wakiilada Beesha Caalamka, ayaa sidoo kale la filayaa in ay maanta la kulmaan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland iyagoo ka dhegaysan doona sababa fashilka ku keenay shirkii hordhaca ahaa ee Muqdisho.

Waxa weli socda Dadaalka Beesha Caalamka, oo ku jihaysan xallinta muran Arrimaha doorashooyinka inkastoo uusan weli mira-dhal noqon dadaalkaas.

PUNTLAND POST