Beesha Caalamka: Ma taageeri doono doorasho is barbar-socota, mid aan loo dhamayn iyo muddo kordhin

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in ay ka welweleen natiijo la’aan kulankii gogo-xaadhka iyo wadatashiga ahaa ee u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu yiri “Saaxiibada Beesha Caalamka waxay ka welweleen war-saxaafadeedyadii mas’uuliyiinta qaarkood ay shalay la wadaageen bulshada kuna tilmaameen kulankii gogo-xaadhka iyo wadatashiga ahaa ee albaabadu u xidhnaayeen una dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada mid aan sameyn wax horumar ah”.

Beesha Caalamka waxay madaxda Soomaaliya ugu baaqday inay si deg deg ah ugu laabtaan wadahado ay u dub-dhexaad u yihiin xaqiijinta hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember 2020.

Waxay mar kale ku celisay Beesha Caalamka inay taageeri doonin geeddi-socod barbar-socod ah, mid aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo horseedaya kordhinta muddo xileedkii hore.

Beesha Caalamka waxay ku boorisay dhamaan madaxda Soomaaliyeed inay aad isu xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo hal dhinac ah, kaas oo sababi kara in xiisadaha siyaasadeed ay kasii daraan.

PUNTLAND POST