Qoorqoor “Maamullo kale ayaa ka hortaaganahay Al-shabaab”

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay in ay maamullo kale difaac u yihiin oo ka hortaagan yihiin Al-shabaab.

Qoorqoor oo maanta hadal u jeedinayay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ku sugan degaanka Sinadhaqo oo hoostaga degmada Ceelbuur ayaa yiri “anagu degaano iyo maamullo kale ayaan difaac u nahay oo ka hortaaganahay argagixisada oo aan hubno in ay dhagartooda dhakhso ku gaarsiin la haayeen”

“Cidna wax gaara ugama rabno waa dad iyo degaan Soomaaliyeed oo in aan difaacno xaq noogu leh” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa hadalkan yiri, iyadoo degaano badan oo ka tirsan maamulka Galmudug ay ka taliyaan Al-shabaab.

PUNTLAND POST