
Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in ay la waregeen fariisimo ay Al-shabaab ku lahayd degaano dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.
Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in fariisimaha ay Al-shabaab kala wareegeen ay kamid ah yihiin Sinadhaqo iyo Labi-dulle oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Howlgalkan waxaa hoggaaminayay Gen. Mascuud Maxamed Warsame oo ah taliyaha guutada 15-aad, qaybta 21-aad ee ciidanka milateriga Soomaaliya.
Al-shabaab ayaa ka arrimiya degaano badan oo ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug.
PUNTLAND POST