
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa xilkii ka qaaday Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan) o ahaa wasiirkii amniga Jubaland.
“Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland wuxuu xilka qaadis ku sameeyay mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkii amniga Jubaland” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Jubaland.
Xilka qaadista Cabdirashiid Janan ayaa ku soo aadaysa iyadoo uu soo ifbaxay wadahadal u socda dowladda federaalka iyo Cabdirashiid Janan.
Cabdirashiid Janan ayaa muddo ciidamo ku haysta xadka Kenya iyo Soomaaliya, wuxuuna halkaas dagaalo kula galay dowladda federaalka.

PUNTLAND POST