Afkaarta dawladaha lagu dhidbo ma waayo-aragnimaa dhasha, mise waa la isu meeriyaa?

Mohamed Ahmed Elmi

Hordhac.

Dhawaan ayay ahayd markii uu safiirkii hore ee Ingiriiska u fadhiya dalkeenna isaga oo canaanaya madaxda Soomaalida uu tusaale u soo qaatay aragti siyaasadeed oo uu lahaa Faylasuuf Ingiriis ahaa oo noolaa qarnigii 17aad.

Waxa uu yiri: “afar boqol oo sano ka hor ayuu Thomas Hobbes ku dhashay tuulo u dhow midda aan anigu ku dhashay, iyada oo Ingiriisku ku sugan yahay xaalad u eg midda ay maanta Soomaaliya ku sugan tahay.” Safiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Hobbes oo ahaa mid ka mida qorayaashii ugu magaca dheeraa qaaradda Yurub ee dawladnimada wax ka qoray, waxa uu yiri: horumar, ammaan iyo kobac dhaqaale midna la gaari maayo haddii aan marka hore seeska loo dhigin siyaasad maamul oo ku qotanta heshiis bulsho.” Safiirku waxa uu yiri: hadalka Thomas Hobbes ma aanan fahmin illaa aan Soomaaliya ka imid.

Gadaal ayaynu uga hadli doonnaa aragtida faylasuufka iyo buugiisii caanka noqday ee Leviathan ba, ee waxa aan hadalka safiirka uga bilaabay, in aad ogaato in aanay dawladuhu cidlo ka unkamin ee afkaar iyo aragti siyaasadeed lagu dhidbo. Dhanka kalana aad fahanto in wadciga aynu maanta ku jirnaayi uu yahay mid dawlad-dhisid ah ee uusan ahayn mid qaangaarnimo ah.

Waa maxay ujeedka qormadu?

Si fahamkeenna dawladnimadu u gaamuro waxa aynu qormadaan ku darsi doonnaa afkaartii siyaasadeed ee dawladaha casriga ah lagu dhidbay iyo wixii afkaartaas looga dan lahaa ama lagu diidanaa.

Ujeedada aynu afkaartaas usoo gudbinayno ayaa ah inaad ogaato in waddada dawlad-dhisadda iyo afkaarta lagu dhisaaba ay yihiin mid aadanuhu ka siman yahay oo ay daruufo isku mid ahi sababaan. Waxaan doonayaa inaad ogaato in doodaha siyaasdeed ee ina dhex maraya inta aynu ku guda jirno xilliga dawlad-dhisidda ay yihiin kuwo caafimaad qaba oo ka turjumaya daruufaha inagu xeeran.

Hadafka qormada ayaa ah inaan marna lagaa dhaadhicin in doodahaasi ay yihiin kuwo qaranimada lagu wiiqayo ama uu shiisheeye inoo meerinayo. Waa in aad mar walaba xasuusnaataa in aynu nahay qaran dumay oo ku jira marxaladdii ka dambaysay qaran-jabka oo ah marka ugu qalafsan ee afkaar siyaasadeed oo wax lagu dhiso la mideeyo.

Si aad waaqiceenna u fahanto, dabinka marin-habaabiyayaasha na aadan ugu dhicin, waxa aynu darsi doonnaa afkaaraha ay ku taagan yihiin dawladaha casriga ah ee maanta caalamka ka jira iyo xaaladihii adkaa ee ay ku dhismeen.

Bilowgii Fikir Siyaasadeedka.

Waxaa la yiraahdaa aadanuhu siddiisaba waa siyaasad iyo xukun ku nool oo Abkeennii koobaad Aadan ayaa Alle dhulka Khaliif uga dhigay. Midda kale, mulkigu waa meeshii ugu horraysay ee Iblaysku Aadanaha ka soo galay, oo waa tii uu Aadan ku yiri: “Ma ku tusaa geedka waaritaanka iyo mulki aan dhammaanayn?” Sida caadiga ah maamulka iyo siyaasadduba waxa ay ka soo unkameen unugga ugu hooseeya ee aasaska u ah dhismaha bulshada oo ah qoyska. Markaas ka bacdi ayaa taladu reer u soo gudbtaa ugu dambayna dawlad ku dambaysaa.

Kolkii ay siyaasaddu qoyska iyo beelaha dhexdooda joogtay, waxa ay ku dhisnayd xushmad iyo qaddarin loo hayay cidda maamulaysay iyo naxariis iyo ixtiraam ay maamulayaashu u hayeen dadka ay masuulka ka ahaayeen.

Laakiin, markii uu aadanuhu daggane ilbax ah oo dawlado leh noqday, xaalku sidii hore waa iska baddalay. Odoyaashii reeraha ayaa marakan isu baddalay boqorro xoog badan oo awood xad-dhaafa leh. Awooddaasi waxa ay sababtay in layska dhaxlo, lagu amar ku taagleeyo raciyaddana lagu dulmo.

Si ay xukunkooda sharciyad waarta oo aan lagula loolamin ugu helaan, boqorradii hore ee gaalada ahaayi waxa ay wakiil ka noqdeen ilaahyadii ay caabudi jireen. Markii ay taasi ku fillaan waydayna ayagii ayaa isu sharaxay inay noqdaan boqorro ilaahyo ah, ‘Alle ka nasahan xumaan oo dhan’e.’ Reer fircoon, reer Namruud iyo kuwo kale oo badan ayaa tusaale u ahaa boqorradaas xilka iyo jagada ba baddashay.

Waxaa jiray meelo fara ku tiris ah oo siyaasad taas ka gaddisan ka jirtay sida magaalo-dawladeedkii Giriigga ahayd ee Athens. Inkasta oo reer Athens ay ahaayeen cawaan aan diin haysan, haddana waxa ay lahaayeen nidaam isdoorasho oo bulshadu wakiilladeeda iyadu ku dooran jirtey. Dagaalkii loo yaqaanney Peloponnesian-ka ee u dhaxeeyey Sparta oo ahayd magaalo-dawladeed kale oo xagga ciidamada ku xeeldheerayd Giriig-na ahayd iyo Athens ayaa soo afmeeray nidaamkii isdoorasho ee Athenianka, marrkii laga awood roonaaday kuwa dambe.

Burbukii dimuquraadiyaddii reer Athens iyo marxaladdii qalafsanayd ee ka dambaysay ee loo yaqiinnay marxaladdii soddonka dhiigyacab (The Thirty Tyrants) ayaa sababtay inay bilaabato dood cilmiyeedkii ugu horraysay ee dawlad lagu unko. Waa dooddii uu bilaabay faylasuufkii waynaa Plato, aakhirkiina uu sii cayiliyey ardaygiisii Aristotle.

Labada faylasuuf oo mid waliba uu ka tagay buug asal u noqday cilmiga siyaasadda, Plato oo iska leh buugga Republic iyo Arstotle oo lahaa Politcs waxa ay dooddooda saldhig uga dhigeen sidii loo dhisi lahaa magaalo xasilloon oo xasarad ka maran ayna ka jirto caddaalad, sinnaan iyo horumari. Magaalo aanay koox danley ah iyo kaligitaliye midkoodna xukumin. Plato isagu waxa uu door bidaa in hoggaanka magaaladaasi uu noqdo boqor faylasuuf ah. Halka uu Aristotle isagu ka hadlo nidaam-siyaasadeed guda ballaaran oo muwaadinka magaaladaas ku nool himilooyinkiisa aasaasiga ah xaqiijin kara. Waxa uu isbarbar dhigaa illaa lix nidaam oo wax lagu xukumo oo kaligitalisnimadu ugu liidato. Waxa uuna door bidaa nidaam isugu dhafan doorasho xor ah iyo madaxyawayn (aristocracy).

Siyaasaddii Islaamka

Islaamku waxa uu caalamka ku soo biiray iyada oo caalamku uu ku jiro is-addoonsi iyo kala sarrayn xad dhaaf ahi. Nabiga oo loo soo dhiray inuu bulshada nooc ay doontaba ha ahaatee uu ka saaro mugdiyada faraha badan ee ay ku jiraan waxa uu la yimid nidaam Rabbaani ah oo ku dhisan shuruuc iyo qawaaniin ay dadku u siman yihiin. Arintaani waxa ay si fiican uga muuqataa qisadii dhex martay saxaabigii Ribciyi Ibn Caamir iyo Rustum hoggaamiyihii Faarisiyiinta xilligii uu socday dagaalkii muslimiintu ku furanayeen Faaris oo ka mid ahayd meelahii xuquuqdu aadanuhu ugu liidatay.

Rustum, isaga oo la yaabban dadkii Carbeed ee cayrta raacatadaa ahaan jiray, sida ay u soo hawaysteen Faaris oo ahayd tii ugu waynayd dawladihii caalamka markaas ka jirey, doonayana inuu ogaado bal waxa ay raadinayaan ayuu ka codsaday taliyihii muslimiinta, Sacad ibn Abii Waqaas, in uu u soo diro nin la xaajooda. Ribciyi, oo ahaa ninkii loo soo diray, kolkii uu u yimid ayaa Rustum ku yiri: “war maxaad doonayseen?” Markaas ayaa saxaabigii ugu jawaabay: “waxaa naloo soo diray inaan dadka ka saarno addoonsiga ay dadku addoommo isu yihiin una saarno addoonnimada Eebbe, Inaan dadka ka soorno ciriiriga adduunyada una saarno waasicnimada aakhiro iyo inaan dadka ka saarno gabood falka diimaha una saarno caddaaladda Islaamka.”

Dhaqankaas ayaa Islaamku caalamkii mugdigu ka jiray ku soo kordhiyey. Waxaa kale oo Islaamku la yimid in dadku madaxdooda ku doortaan qiyam, diin, karti iyo hufnaan oo aysan ku dooran dhalasho. Inkasta oo markii dambe dawladihii Islaamku noqdeen boqortooyo la kala dhaxlo, haddana afartii khaliif ee Rasuulka ka dambaysayba qaabkaas ayaa xulashadoodii loo maray.

Waxaa kale oo Islaamku la yimid, in sovereignty-gu uusan ahayn boqorka ee uu yahay sharciga iyo qaynuunka oo ah shareecada islaamka. Dawladdii islaamka ayaa ahayd middii ugu horraysay ee sharci loo simanyahay ku dhaqanta. Hoggaamiyaha waxaa la addeecayaa inta uu diinta oogayo sharcigana ku toosan yahay

Reer Yurub iyo fikirkii dawladaha casriga ah.

Markii ay reer Yurub masiixiyadda qaateen gaar ahaan Imbaradooriyaddii Romanka qarnigii afraad, dhaqammo badan oo ay horay u lahaayeen ayay diintii cusbayd la soo galeen. Dhaqamadaas waxaa ka mid ahaa in qayska boqortooyadu uu yahay tafiir ka soo farcantay ilaahyadooda, sidaas daraadeed sharciyad ay u haystaan xukunka. Isla dhaqankaas ayaa sasab u noqday in Nabi Ciise (Calayhi Salaam) ay ku sheegaan Eebbe wayne ama wiil uu Eebbe dhalay (Eebbe wayne xumaan oo dhan ka hufane) maxaa yeelay ilaahyadoodii hore ayaa ahaan jirey kuwo laga farcamo.

Marakan faracii ayaa lagu baddalay in boqoradu ay iyagu Alle wakiil ka yihiin, sidaasna ay sharciyad wax lagu xukumo ku haystaan. Cid aan iyaga ahayn xukunka ma hawaysan jirin maxaa yeelay iyaga uun ayaa sharciyadda haystay. Kaniisaddii Kaatooligga ayaa iyana ahayd awoodda shacabka u gumaynaysay.

Kaligitalisnimada casriga ah

Wixii ka dambeeyey qarnigii 16ad ayaa shucuubtii dulmanayd bilowday in ay gunnimadii isbahaysigaas ka xoroobaan.

Afkaartii ugu horteysay ee lagu dhisayey dawlad ka gaddisan kuwaas waxaa soo bandhigay mufakarkii reer Talyaani ee Niccolò Machiavelli oo ku noolaa magaalo -dawladdeedii Florence. Machiavelli oo ay yiraahdaan waa aabihii cilmiga siyaasadda casriga ah waxa uu qoray buug uu ugu magacdaray The Prince (Amiir). Buuggu waxa uu ku saabsan yahay talooyin la siinayo amiirkii magaaladaas xukumayey.

Prince oo dad badani u yaqaanaan buuggii sharka waxa uu amiirka magaaladaas siinayaa talooyin xukunka ku haynaya iyo kuwa kale oo u sahlaya qabsiga magaalooyin kale iyo qaabkii uu u maamuli lahaa meelaha uu qabsan doono. Hammiga qoraaga ayaa ahaa in la dhiso dawlad xoog leh oo nin xoog lihi xukumo. Si dawladdaas ay u hirgasho waa in amiirku wajahaa xeelad walba oo xukunkiisa dheeraynaysa. Buugani waa midka laga barto kaligitalisnimada iyo dhagarta siyaasadda oo dhan. Waxaa la yiraahdaa haddii aanu buuggaani jiri lahayn, Hitler, Stalin, Mousallini, Saddam Xuseen iyo Qadaafi midna ma jireen.

Fikir siyaasadeedkaan ku dhisan ismaquuninta, kala adkaanshaha iyo in gacan bir ah raciyadda lagu dhaqo waxaa Machiavelli ku xambaaray xaaladdii siyaasadeed ee dalkiisu xilligaas ku sugnaa. Talyaanugu waxa uu ahaa dal taag daran, isu col ah, cadawgiisana u nugul oo mar walba la qabsado. Si taas looga hor tago ayuu nidaamkaan ugu fakaray.

Heshiis Bulsho

Horay waxa aynu u soo sheegnay in qarnigii 16aad uu ahaa markii ugu horraysay ee shucuubtii reer Yurub bilaabeen in ay ka xoroobaan isbahaysigii kiniisadda iyo boqorka. Xornimadaasi waxa ay ku koobnayd dhanka diinta oo waa markii ay soo baxday madhabta Protestanka oo ku caasiyowday wadaadkii ugu sarreeyey kaniisadda.

Boqol sano ka bacdi ayaa dadka Ingiriisku bilaabeen in ay diidaan wakiilnimadii boqorku uu Alle wakiilka ka ahaa iyo xukunkii kaligiis gacantiisa ku urursanaa. Kacdoonkaas oo socday ku dhawaad toban sano waxa uu sababay xasilooni darro siyaasadeed oo baahsan iyo in ugu dambayn boqorkii Ingiriiska barqo cad dhagta dhiigga loo daro. Dhacdadaan ayay ahayd middii uu tilmaamayey safiirkii Ingiriiska ee aynu hordhaca hadalkiisa ku soo sheegnay.

Faylasuuf Thomes Hobbes, oo xilligaa noolaa, saamayna ay ku yeelatay mawjaadkii xasillooni darro ee uu Ingiriisku dhax maquurinayey ayaa qoray buuggiisii caanka noqday ee Leviathan. Hobbes waxa uu sharaxaad waafiya ka bixiyey xaalad uu ugu yeeray ‘State of Nature’ oo ah xaaladda dawlad la’aanta. Waxa uu qabaa in xaaladdaan ay ka dhalato mid kale oo uu u bixiyey ‘dagaalka cid waliba ay ku duusho cidda kale.’ (War everybody against everybody). Maadaama aan sharci iyo kala dambayni jirin waa xaaladda hubitaan la’aanta, xasilooni la’aanta, horumar la’aanta iyo dawlad la’aanta.

Si bulshadu marka horaba aanay xaaladdaas ugu dhicin, ama haddii ay ku dhacdayba uga baxdo una kala badbaaddo ayuu qabaa in ay xuquuqdooda aasaasiga ah ka tanaasulaan si ay xasillooni iyo ammaan u helaan.

Waxaa loo tanaasulayaa boqorka oo marakan aan lahayn awooddii wakiilnimada (divine right). Dariiqa tanaasulkaas lagu gaarayo ayaana ah heshiis bulsho oo dhex maraya boqorka iyo raciyadda. Halkani, waa meeshii ugu horraysay ee ay ka bilaabatay in dawladnimadu ay tahay heshiis bulsho.

Xuquuqda Shacabka

Waxa aynu soo sheegnay in xilligii Thomes Hobbes uu jiray kacdoon siyaasadeed oo Ingiriiska maasheeyey, aakhirkiina sababay in Boqor Charles-kii koobaad la dilo. Kacdoonka xooggiisu waxa uu u dhaxeeyey wakiiladii shacabka oo doonayey in ay yareeyaan awooddii boqorka iyo boqorka iyo taageerayaashiisii oo taas ka soo hor jeeday. Dadka qaybta hore aadka ula dhacsanaa, xilligaasna joogay waxaa ka mid ahaa Faylasuufkii caanka ahaa ee John Locks.

Locks oo lagu tilmaamo Faylasuufkii ugu horreeyey culimadii Enlightenmentiga iyo asalka ninka ay fikraddiisa tahay nooca dawladeed ee uu Maraykanku qaatay waxa uu xilligaas qoray buug caana oo la yiraahdo ‘The two treats on the government.’

Locks, waxa uu khilaafsan yahay Machiavelli iyo Haobbes oo labaduba mudnaanta koobaad siinayey hoggaanka iyo ammaanka. Taas baddalkeeda isagu waxa uu xoogga saarayaa xuquuqda muwaadinka. Waxa uu qabaa, in dadku sidoodaba ay ku dhasheen xuquuq rabbaaniya oo aan cidina ka qaadi karin. Xuquuqdaas oo ah midda jiritaanka iyo inay sharaf ku noolaadaan. Maadaama cid waliba xuquuqdaas leedahay si aan cidna cidda kale xuquuqdaas uga qaadin ayay u baahan yihiin in ay helaan dawlad xuquuqdooda u ilaalisa.

Si la mida Hobbes ayuu qabaa in bulshadu ay heshiis la gasho cidda xukumaysa. Laakiin si ka gaddisan Hobbes oo qabay in bulshadu ay ammaan ku badalato xuquuqdeeda waxa uu Locks qabaa in bulshadu ay ka tanaasusho qayb xuquuqdooda ka mid ah, gaar ahaan xuquuqda awoodda si maamulku u ilaaliyo xuquuqdooda aasaasiga ah. Haddii nidaamku ku xadgudbo sharafta iyo karaamada muwaadinka oo uu ku tunto xuquuqdiisii aasaasiga ahayd waxa uu qabaa in nidaankaas la iska dhacsho oo bulshadu tuurto.

Xagga maamulka waxa uu qabaa in nidaamku ahaado mid qaanuuni ah iyo inuu jiro baarlamaan shacabka matala. Sidoo kale waxa uu qabaa in awoodaha la kala qaybsho. Afkaarta Locks waa midda lagu dhisay kacdoomadii Yurub ka bilowday qarnigii 18aad, ee boqortooyooyinkii lagu riday. Waana midda ay aabayaashii dhidbay dawladda Maraykanku qaateen.

Haddii aad maanta eegto dawladnimada Maraykanka waa mid u samaysan xakamaynta cidda dadka xukunta. Waxaa jira awoodo badan oo isdheelli tiraya oo danta laga leeyahay ay tahay inaan midkoodna talada la gooni noqon. Qof kasta oo Maraykan ah xaq ayaa dastuurku u siiyay inuu hub qaato si uu u dhacsado xuquuqdiisii aasaasiga ahayd haddii ay dawladdu ka baxdo wixii lagu heshiiyey.

Gunaanad.

Waxa aynu imminka soo gaarnay dantii aynu ka lahay qoraalkeenna. Sidii aynu hordhacaba ku soo sheegnay waxa aynu iska diidaynaa kuwa inoogu sheekeeya inaynu ku jirno marxalad qaangaar ah oo aynaan ku jirin marxalad dhisme. Maadaama aynu ku jirno marxalad dawlad-dhisid ah, oo waliba bilow ah, waxaa kale oo aynu diidaynaa kuwa inagu yiraahda afkaarta aad dowladnimada ku dhisanaysaan shisheeye ayaa idiin meeriyey ee waayoaragnimo kuma salaysna.

Dadkaas waxa aynu ku naqdinaynaa taariikhdii, afkaartii iyo aaraadii aynu ka soo hadalnay ee dawladaha lagu dhisay oo ahaa kuwo ku dul wareegayay daruufaha iyo xaaladihii gaarka ahaa ee ay bulshooyinkaasi sideenna oo kale qabeen.

Haddaba, ma innaga oo 21 sano ku jirnay gacan kaligitaliye, toban sano oo ka dambaysay na ku jiray xaaladdii uu Habbes u bixiyey ‘dagaal cid waliba cidda kale ku duusho’ ayaan mudnayn inaynu geeddi-socodka dawladdhiskeenna saldhig uga dhigno afkaar iyo aaraa siyaasadeed oo saliima?

Mise, xakamaynta aynu xakamaynayno nin xoog badan oo markale ina maquuniya, innaga oo wali xasuusan wixii uu nin xoog badani horay inoo baday, miyaan ahayn dareen dab lagu gubtay laga qab?

Ugu dambayntii, si looga hortaga inaan dalku mar qura isula dumin sidii horay u dhacday oo kale, loona hor istaago awoodda kaligitaliyuhu inay diigyacabnimo u xuub siibto, dalka waaxyo faddaraala in laga dhigo, miyaa ah afkaar shisheeye inoo meeriyey ama gaalo ina gayaysiisay?

Dhamaad.

Mohamed Ahmed Elmi.