Puntland oo gacanta ku dhigtay ilaa 10 doonyood oo jariif ah

Ciidanka badda dowladda Puntland ee PMPF, oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay xeebaha Bari iyo Sanaag, ayaa gacanta ku dhigay ilaa 10 doonyood oo jariif ah, sida ay ciidanku shaaciyeen.

Qoraal ka soo baxay PMPF, waxa lagu sheegay in hawlgalka laga fuliyay degaannada Qaw, Ceelaayo, Durduri, Raas Gacan iyo Laasqoray oo dhammaantood ku teedsan xeebaha Bari iyo Sanaag.

Hawlgalkaas waxa lagu qabtay ilaa 10 doonyood oo laga leeyahay waddanka Yemen iyo dhammaan shaqaalihii saarnaa oo u dhashay Yemen, kuwaas oo jariif ba’an ku hayay xeebaha Puntland.

“Hawlgalka waxaa ciidamadu kusoo qabteen 10 doonyood iyo shaqaalahoodii, kuwaas oo u dhashay dalka Yaman, ugana kalluumaysanaayey si sharci daro ah xeebaha Puntland.”

Ciidanka PMPF ayaa muddooyinkii u dambeeyay hawlgalo ka dhan ah kalluumeysiga sharci-darrada ah ka waday xeebaha Bari iyo Sanaa gee Puntland.

PUNTLAND POST