Puntland oo eedeysay Farmaajo, soona jeedisay in shirarka Muqdisho lagu qabto Xalane

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu markasta qaadayo tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Soomaaliya.

War-saxaafadeeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac ka muujinaysaa in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya”.

Puntland ayaa soo jeedisay in shirarka Muqdisho ay ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Muqdisho (Xerada Xalane), Qaramada Midoobay-na ay qaado mas’uuliyadda amni ee shirarkaas.

“Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midoobay iyo AMISOM in ay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.

Puntland waxay sheegtay in ay u aragto dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wadahadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay.

Puntland waxay cadeysay in ay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020.

Ugu dambeyna Puntland waxay Beesha Caalamka uga mahadcelisay dadaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya.

PUNTLAND POST