Guddiga doorashooyinka oo ka hadlay ismari-waaga doorashada

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada in ay deg deg isugu yimaaddaan, si loo xaliyo tabashooyinka taagan.

Guddigu wuxuu ku baaqay in dhinacyada Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo ah cidda ay ka go’do taladda doorashadu ay fuliyaan heshiiskii doorashada ee 17 Sebteembar 2020.

Guddigu ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay ku dadaalaan, qaybna ka qaataan isu soo dhoweynta dadka, lagana fogaado hadallada ku dhisan kala kaxaynta iyo qaybinta bulshada.

Sidoo kale Guddigu ayaa soo dhoweeyay heshiiskii dhawaan ay wada galeen Midowga Musharixiinta iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa is fahamka waxyaabihii dhacay, waxaana guddigu ku boorriyeen in ay sii wadaan dadaallada la isugu soo dhoweynayo dhinacyada siyaasadda iyo daneeyayaasha kale ee doorashooyinka, si wadanka ay uga qabsoonto doorasho loo wada dhan yahay oo xor iyo xalaal ah.

PUNTLAND POST