Dharcad ka tirsan NISA oo lagu dilay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu dilay labo dhalinyaro ah oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Askartan oo dharcad ahaa ayaa magacyadooda lagu sheegay Cali Axmed Xasan iyo Axmed Siyaad, waxaana lagu dilay suuqada Bakaaraha ee Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubaysan ay dileen laba askari, mid kalena dhaawac u geysteen, xili ay ku sugnaayeen meel ku dhow Boosteejo laga raaco gaadiidka oo ku taalla suuqa Bakaaraha.

Maanta magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dhowr weerar oo lala eegtay mas’uiliyiin iyo ciidan, kuwaas oo aan ilaa hadda mas’uuliyadooda cidna sheegan.

Deegaanka Daarusalaam ee Muqdisho waxaa maanta qarax miino lagula eegtay kolonyo uu la socday Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Cabdullaahi Axmed Cariif, balse guddoomiyaha ayaa qaraxaas ka badbaaday.

Sidoo kale qarax miino ayaa maanta lala eegtay kolonyo gaadiida oo la socday taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cabaas Aamin Cali oo marayay agagaarka iskuulka Hoyga Xamar ee degmada Hodan.

Qaraxa lala eegtay Gen. Cabaas waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay qof shacab ah iyo labo askari oo ka tirsanaa ilaalada taliyaha.

Dowladda ayaa weli ka hadlin qaraxyada iyo dilalka maanta ka dhacay maagalada Muqdisho.

PUNTLAND POST