Madaxweynaha Puntland Cabdullaahi Deni, ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Sanaag Cali Xuseen Soomaali.
Wareegto uu caawa soo saaray madaxweyne Deni ayaa Siciid Axmed Jaamac Maxamed loogu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag
Dhanka kale madaxweyne Deni ayaa guddoomiyiihii hore ee gobolkaas Cali Xuseen Soomaali u magacaabay la taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa saacado ka hor xilkii ka qaaday taliyihii qaybta Booliska gobolka Sanaag, isagoo xilkaas u magacaabay G/sare Cabdikariin Maxamed Cabdulle.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.