Beesha Caalamka oo baaq u dirtay madaxda siyaasadda Soomaaliya

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday saxiixayaashii heshiiskii 17kii Sebtember inay si deg-deg ah isugu yimaadaan, si loo dhamaystiro hirgelinta hannaanka doorashada, iyadoo laga amba-qaadayo howshii ay qabteen Guddiga Farsamada ee ku kulmay magaalada Baydhabo 15-16 Febraayo.

Beesha Caalamka waxay madaxda siyaasadda ee Soomaaliya ugu baaqday in ay danta qaranka ka dhigaan tan koowaad, ayna ka wada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashooyin leh taageero ballaaran oo ku qabsooma sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtagalka ah, si dalka horay loogusii dhaqaajiyo.

Sidoo kale madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa Beesha Caalamka ugu baaqday in ay joogteeyaan xiriirka madaxda kale ee siyaasadda Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah, si loo xaqiijiyo in doorashadu ay hesho taageerada ugu ballaaran ee suurtagalka ah, isla markaana guddiyada doorashooyinku ay u hawlgalaan si ka madaxbanaan dano siyaasadeed.

Beesha Caalamku waxay walaac ka muujisay dhacdooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19kii Febraayo, waxayna ugu baaqday dhamaan dhinacyada inay is-dejiyaan oo ay is xakameeyaan.

Baaqan ayay Beesha Caalamka ku sheegtay qoraal wadajir ah oo ay goordhaweyd soo saartay.

PUNTLAND POST