Alley-lahee Farmaajo siduu u dhaqmay abaalkeeda lama marin!

W.Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Doorashadiisii farxad iyo mashxarad
baa dhulka buuxisay laakiin wuxuu
ka tegayaa iyadoo murugo iyo colaado
labo-labo laysu haysto!

Waxaa hubaal ah in dadka iyo dalka Soomaaliyeed ay soo martay afar sano oo hagardaamo, mu’aamaraad, dhagar, iyo isku-dir ah, Sanooyinkii Farmaajo!… Afar sano oo la dilay qiimihii qaranimmada, dadnimmadii ummadda, iyo wax kasta oo dhaxal gal u noqon lahaa faca soo socda si ay ugu yaraan ugu soo dhowaadaan inay la ambo qaadaan waayaha aduunka!… Afar sano oo qaranimmadii dalka ay gacanta u gashay dowlad qowlaysato ah oo golayaasheeda ay buux dhaafsheen dad wada dheef doon ah oo aan dhergeyn! Dowlad iyada laaluushkii kala qaadanaysa madax-weynaheedii, Ra’iisal wasaaraheedii, wasiirradeedii, xil-dhibaannadeedii oo uu horkacayo af-hayeenkii oo waliba dhammaanteed suud (suit) u soo wada qaadatay musuqmaasuq iyo dhacdo kheyraadkii dalka iyo hantidii dad-weynaha… Eebbe Weynihii dalka inoo badbaadshay baa mahad oo dhan leh!… SHacabku waa hurdaayee ha ka kaco!… Abiy Axmed!…Yuki Yamamoto (Donald)!… Maxamed Farmaajo!…Xasan KHeyre… iyo Maxamed Mursal!… SHacabku wax ma ka bartay?!…KHatarta ma dareemeen? In dal iyo dowladnimo aan loo oggoleyn ma garteen?!… Dad-weynaha waxay ku tageen oo dhibaatada uga timid dhaqankii siyaasadeed iyo keli talisnimmadii Maxamed Siyaad runtana waxay tahay inay wali cabursanyihiin oo codkooda iyo xuquuqdooda aasaasiga ah ee muwaadhinimo ay ka maqantahay, nidaamka ay horseedka ka tahay waxa Beesha Caalamka loogu yeerana uu ka hor joogsaday haba yaraatee inay talo ku yeeshaan arrimaha dalka.

Farmaajo afar sano uu dalka xukumay waxay ku soo dhammaatay Allahayow adigaa ina dhigay xabbaddii meseggada (haruurka) ahayd ee kasha iyo mooyaha dhexdooda ku barisay/badbaadday! Hasa yeeshee wali khatartii ma dhammaan, sida ka muuqatay khudbaddiisii uu ka hor jeediyay waxa loogu yeero golaha shacabka markii uu soo burburiyay shirkii DHuusomareeb 4, waxaa si cad uga muuqday inuusan marna garowsanayn in muddo xileedkiisii dhammaaday uuna ku fekerayo inuu sii taliyo, muddadii uu hadlayay oo ahayd ku dhowaad 20 daqiiqo marna soo ma hadal qaadin waxa ku talo galkiisu yahay maadaama xilkiisii uu gabaabsi ahaa golihii uu la hadlayayna aysan iyagana/uusan isagana waxba talo ah ka weydiin halka looga dhaqaaqayo xaalka meesha uu joogo si aad moodyso ama u eg inuu khudbaddii jimcaha u aqrinayo!… wax shaki ah kuma jiro in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in kastoo xilkiisii xafiiska uu dhammaaday ahaanayo madax-weyne iyadoo sida muuqata uu ku talo galkiisa yahay inuu inu abuuro xiisad siyaasadeed oo uu ku cimri dheereysto isla markaasna isku haleyniya carrab laalaadin uu ka haysto waxa loogu yeero Beesha Caalamka…Farmaajo markii la doortay farxad iyo mashxarad baa dhulkii buuxisay hadana wuxuu ka tegayaa dad-weynihii reer Jubbaland oo hub isugu dhiibay, Galmudug oo lays wada gaadayo iyo Hirshabeelle oo dhufeys laysugu jiro!…

Waxaa arrin laga xummaado ah in nin kasta oo qabta xukunka dalka oo ku waasho kursiga iyo xukunka sidii Xabiib Burghiiba, madax-weynihii hore ee Tunisia oo isagoo xanuunsan oo aan xis lahayn subax kasta gurigiisa kursi intuu soo fariisto waraaqo saxiixi jiray isagoo isu haysta inuu wali madax-weyne yahay. Farmaajo isagaa si bareer ah uga hor yimid dastuurkii iyo shuruucdii dalka u taalay oo dhan, sidaas oo kalana wuxuu ka baxayay dhammaan waxyaabaha ay ku heshiiyaan isaga iyo Dowlad-Goboleeddada oo iyagu runtii noqday ilaaliyaasha sharciga iyo dowladnimmada dalka ka dib markii uu Max’ed Cabdullaahi Farmaajo lacagta Qatar iyo xubno kale oo ka mid ah waxa Beesha Caalamka loogu yeero uu ku iibsaday awoodii iyo sharaftii Golihii wakiilla shacabka Soomaaliyeed iyo guddoomiyahoodii Max’ed Mursal SH. Cabdi-Raxmaan… AaaH! Nimaan dowlad macnaheeda aqoon marka xilka loo dhiibo sida Farmaajo ayuu u dhaqmaa ama sida xildhibaannada Baarlamanka 10 aad iyo guddoomiyahooda bay sharaftooda iyo ammaannada ummaddu u dhiibatay xoogaa liita oo aduunya ah siistaan!… waa dhagar qaranka iyo ummadda laga galay taariikhdana aysan waligeed hilmaamayn!…

KHaa’in Al-Wadhan baa dalkii helay!
Ma Farmaajaa mise Mursal mise KHeyre?!
Ma Golaha Wasiirradaa?! mise Golaha SHacabkaa?!
Mise waa dowlada oo dhan?! SHaki kuma jiro in DHagar
laga galay dadka iyo dalka ee yaa ka galay?

Waxaa iyadana arrin xanuun badan ah inaysan kaa hor muuqanayn cid aad sheegto haddii lagu weydiiyo yaan dooranaa?! Bal adigaba aan ku weydiiyee yaan dooranaa murashaxiinta faraha badan ee isu soo taagay xilka madax-weynaha?…Tani ma aha inaan u gefayo murashaxiinta laakiin waa aqoonta aan u leenahay iyaga iyo waayo aragnimmada aan ka helnay madaxda ina soo martay oo ay qaarkood la soo shaqeeyeen/shaqaysteen ama sifooyin badan ay wadaagaan. Madax-Weynihii la doortaba ma Feex dalkii gashay buu noqnayaa?!… Waa Saban!…Saban baa ina haya! Bal fiiri inta deegaankaaga ah ee xil-dhibaanimo raadinaysa!… Bal fiiri inta agaasime iyo wasiir doon ah ee Xamar joogta!…Bal fiiri inta murashax ah ee madax-weynenimo u tartamaysa!… yaa inoo soo hor mariyay?! Waa weydiin jawaabteedu tuhun badan ku gadaamanyahay!… Waana taas midda jawaabta u baahan; ma odayaasha dhaqanka baa inoo soo hor mariyay?! Mise madaxda dowlad goboleeddada inoo soo hormariyay?! Mise waxa Beesha Caalamka loogu yeero?!…koleyba arrintu waa Timiri Laf Baa Ku Jirta!

Fara gelinta shisheeyaha waxay ka gudubtay xad kasta oo shuruucda iyo anshaxa dalka u dhigan, waxaana arrintaas ay u ekeyd inay oggolaansho uga haystaan hay’add fulinta iyo madaxtooyada, waxaana la’oran karaa in dhagaraha dhacay ee dadka iyo dalka laga galay aan wali la ogaan ama aan waxba laga soo qaadin sabab kastaba ha ugu wacnaatee, iyadoo khataraha ugu weyn iyo halista ugu badan ay dalka ka soo gaartay xil-dhibaannada golaha shacabka (aqalka hoose) oo iyagu wax kasta oo sharci daro ah ka aamusiyay ama ansixinayay, si ay ka muuqato in golaha aqalka hoose (AH) ay iska war-qabaan madaxtooyada iyo hay’adda fulinta, waxayna taas keentay in la tuuro ama la inkiro awoodihii sharciga ahaa ee ay lahaayeen Dowlad-Goboleeddad (DG) iyo Aqalkii Sare (AS), iyadoo labadaba looga cararayo in xubnaha AS ay u badanyihiin siyaasiyiin soo shaqeeyay ama aqoon leh oo wakiil ka ah siyaasadaha DG isla markaasna laga dareemay inay sharciga uga adadgyihii aqalka hoose.

June 16, 2018, waxaa magaallada Muqdisho ka soo degay Colonel Abiy Axmed oo markaas laba bil iyo bar keliya ra’iisal wasaaraha Itoobiya ku magacaaban, wuxuu soo doonay dadka horay looguma sheegin, laakiin imaatinkiisa dad-weynaha badankood waxay u qaataan inuu yahay mid u doonayo inuu ku bilaabo waan-waan iyo nabad labada dal dhex marta, hasa yeeshee saacado kooban ka dib wuxuu dalka ka dhoofay isagoo sheegaya in afar dekedood xukuumada Soomaaliyeed siisay!…muddo yar ka dib waxaa bilowday saaxiibnimo qoto dheer oo si degdeg ah u kobocday oo dhex martay madax-weyne Farmaajo iyo Abiy Axmed! Waxaa xigay socdaalo uu Farmaajo ku tegey Addis Ababa iyo Casmara, inta ay socdaaladaas socdeen wallaaca iyo tuhunka dadkii Soomaaliyeed wuxuu ahaa mid taagan oo dad badan hurdo la’aan dhigay! Waxaa taas ka daran Farmaajo mar kasta oo uu Itoobiya ka soo laabto isagoon cidna waxba u sheegin buu albaabada xiranayay, laakiin nasiiba wanaag wax kasta oo uu qarin lahaaba waxaa jadhaa-balaf laga heliyay Colnel Abiy Axmed oo dadkiisa iyo xil-dhibaannada barlamankiisa u sheegayay guulaha uu ka gaaray wada hadallad uu la galay Farmaajo; Soomaaliya iyo Itoobiya labada dal waa laysu furayaa (macnaha waa iska cadyahay oo waa hal dal bay isku noqonayaan) labada dad baa is dhex gelaya!…oo macnaheed?! Xamar baad ka soo shaqaysanaysaan habeenkiina guryihiina baad u soo noqonaysaan!…Nin ay dameer ka luntay baa laga sheegay Allow yey mar un BYPYPY u tiraahdaa! Madax-weyne Soomaaliyeed oo ay saaxiib shaksi ah noqdeen ra’iisal wasaare Itoobiyaan ah?! Yaa sow yaab ma aha?! Oo kaaga daranee habeenimo u guureyn habeenimana ka soo dheelman oo aan marna laga maqlayn waxay is yiraahdeen koley erey ku tahay.

SHacabka waxaa la gudboon
inay Eebbe-Weyne ku xamdiyaan,
dagaalkii Tigray wuxuu xirsi furyo
u noqday dhibkii Itoobiya ay ku
haysay Soomaaliya!

Denbi kasta oo uu Farmaajo galay wasiir kasta waa la galay, xil-dhibaan kastana waa la galay. Farmaajo baa u dhoofaya Itoobiya labadii golaba iyagoo suud wada xiran bay saf u soo gelayaan oo sagootinayaan, Itoobiya buu ka soo laabanayaa iyagoo aad moodo inay ka qayb gelayaan ban-dhig faashan (Fashion Show) bay saf u soo gelayaan oo soo dhoweynayaan!… Cidna wax weydiin mayso kaaga daranee iyaga dhexdooda xataa iskama waraysanayn! Ma dalkuu keligiis leeyahay?! Ma dadkuu leeyahay?! Waa iyaga aamusanee miyeysan ogeyn inay madaxdii dalka yihiin!…Baarlamaanka 11aad khayaannada uu dalka ka galay waa in ilmaha taariikhda lagu baraa, siiba gudomiye Maxamed Mursal, iyo ku xigeennadiisa Cabdi-Wali Muudeey, iyo Mahad Cawad oo iyaga ujeeddadii golaha isla markaasna khayaanay ammaanadii dalka iyo dadkaba… Itoobiyaa 4 dekedood loo saxiixay Baarlamaanka 10aad xataa kama hadal!…War maxaa dhacay?! Jawaabtii waxay noqotay wixii dhacay dhulka ka qaado!…Soomaaliyaa khariidaddii laga tirtiray oo Itoobiya khariidaddeeda ku balaarsatay baarlamaanka 10aad kama hadal!…Ciidamo Soomaaliyeed baa dagaal la geliyay oo lagu gummaaday iyagoo waliba u dagaalamay dalka Itoobiya baarlamaanka 10aad kama hadal!…

Wada hadalladii Somaliland iyo dowladda Federal-ka ee bishii june, 2020kii lagu qabtay Djibouti waxaa qorshuhu ahaa in Soomaaliya lagu mideeyo, iyadoo ku talo galku ahaa inay taas meel mariyaan Donald Yamamoto iyo Colonel Abiy Axmed, haddii ay arrintaas ay ku guulaysan lahaayeen waxaa qorshahoodu ahaa in bil gudaheed ay shir weyne kale oo Itoobiya iyo Soomaaliya lagu midaynayo ay ku qabtaan Djibouti. Iyadoo ay arrintii sidii u taagantahay baa bishii July xabbad cirka ka timid waxay dishay fannaankii Hachalu Hundesse oo isagu ahaa xubin muhiim ahaa oo ka mid ahaa hoggaanka kacdoonka Orommada, waxaana ka dhashay xiisad siyaasadeed iyo in qowmiyaddii Orommada ay kacdoonto, iyadoo qalalaasahaas siyaasadeed uu sidii u taaganyahay baa November 04, 2020, waxaa qarxay dagaalkii dowladda federal-ka Itoobiya iyo maamulka gobolkaTigray (TPLF) … ninkaan u dhaqmaaya sidii General-dii Sumurai-ga ahaa ee Yamamoto wuxuu juhdi badan geliyay inuu sumcad diplomats-iyadeed ku dhisto siyaasaddii ay ku guul daraysteen guumeystayaashii Soomaaliya ku soo duulay.

SHacabnimmada iyo codka dad-weynaha
waa tiirarka ay ku taaganyihiin
ummadnimmada iyo qaran ahaanshaha dalka!

Bal is weydii afartii sano ee uu jiray maamulka hadda xilkiisii dhammaaday immisa jeer baad xasuusatay magacyadan; KHaa’in Al-Wadhan, Tuug iyo Tuug-Kalkaal iyo Qaade iyo Qarshe!…Been-Hawaas!… waxaa dalka soo maray magac-xumo iyo meel ka dhacyo aan la oran karayn damiir shacab Soomaaliyeed baa dalka ka jiray ama aan looga sheekeyn karayn jiilasha soo socda!…Itoobiyaa dekedihii dalka loo saxiixay!…Ciidamo Soomaaliyeed baa Itoobiya u dagaalamay oo aan raq iyo ruux meelna lagu sheegin!…Faham, ma aha ciidamo Itoobiya ka xoreyniyay gobolka Soomaaliyeed ee ay guumeysato!…Oo waliba kaaga daranee waxaa sidaas ugu tagri falay hal nin oo madax-weyne ah, Farmaajo! Oo aaway dad-weynihii dalka lahaa?! Waxaase ka sii darnaa in golihii shacabka ee ninkaas doortay ee ilaallinta xeerarka dalka iyo la xisaabtanka xukuumadda loo igmmaday uusan marna weydiin madax-weynaha wax la xiriira arrimahaas!…Xataa hal mar! SHacabku waa hurdaayee ha ka tooso hurddada!

Cibaarrada yaabka ah oo shacabka Soomaaliyeed ceebihiisa ugu weyn waxay tahay inay isugu soo baxaan taageerrada siyaasiga waliba isagoon dantooda hayn, inay u soo saftaan soo dhoweyntiisa iyo sagootintiisa isagoon ka mudnayn! SHacab awooddiisii iyo kaalintiisii siyaasaadeed nuxurkeedii uu noqday soo dhoweyn iyo sagootin! Waxaase taas ka sii daran hooyooyin ooyaya oo aan shacab ka damqanaya oo u kacaya uusan jirin oo markay dad-weynihii maciin ka waayeen u dacwooniya kii ilmahoodii miidaamiyay!… hooyooyin ooyaya oo u cabanaya kuwii dalkooda gumeeyay, oo u cabanaya waxa Beesha Caalamka loogu yeero oo iyagu ku dul haya Farmaajo maalin kastana xoog, xeyllad iyo xoolaba ku bixinaya inay Farmaajo oo kale dusha ka saaraan!.. hooyooyin waayay ka dhiidhisa xummaatada oo ay ku dhaataan sharaftoodana dhowra!… SHacabnimmada iyo codka dad-weynaha waa tiirarka ay ku taaganyihiin ummadnimmada iyo Qaran ahaanshaha dalka!… Waxaana la gudboon dad-weynaha Soomaaliyeed inaysan yeelin inay dalka ka baxaan ilaa maxkammad la hor keeno Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal Wasaarihii hore Xasan Cali KHeyre, Maxamed Mursal Cabdi-Raxmaan, Cabdi-Wali Muudeey Ibraahim, iyo Mahad Cawad, dhagaraha iyo tagri falka awoodeed ee intay xilka hayeen dalka ka dhacay.

W.Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Afeef:-  Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixanPUNTLAND POST marnaba masuul kama aha aragtida dad kale.