Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiiradda Puntland?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta shir-guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, kaas oo looga hadlay doorashada Soomaaliya iyo arrimo kale.

Afhayeenka Xukuumadda Puntland Jaamac Yuususf Dabaraani ayaa sheegay shirka Golaha Wasiirada Puntland looga hadlay doorashada Soomaaliya, amniga deegaannada Puntland, xaaladda gobollada iyo degmooyinka, horumarinta waxbarashada iyo ansixinta hindise xeereedka goobaha taariikhiga ah ee Puntland.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Puntland marwalba kaalin muhiim ah ka qaadanayso sidii dalku uga gudbi lahaa marxaladda uu ku jiro, ayna soo jeediyeen in ay muhiim tahay in dhakhso shir la isugu yimaado oo lagu qabto Muqdisho, madaama hay’adda Dastuuriga ah ee DFS wakhtigoodu dhammaaday.

Wuxuu xusay in shirkaas u baahan yahay in wakhti badan la geliyo oo ay wada joogaan saamileyda Siyaasadda, Beesha Caalamka iyo dhammaan dhinacyada ay quseyso arrimaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST