Musharrax Xildhibaan Federaal Eng. Jaamac Cali Jaamac oo soo dhaweyn loogu sameeyay Bandarbeyla

Musharrax Xildhibaan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Eng. Jaamac Cali Jaamac ayaa munaasabad soo dhaweyn ah loogu qabtay degmada Bandarbeyla ee gobolka Karkaar.

Munaasabadda oo si weyn loo soo agaasimay waxaa kasoo qeyb-galay nabaddoono, waxgarad, ganacsato, dhalinyaro iyo haween.

Musharrax Eng. Jaamac Cali Jaamac oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in musharraxnimadiisa ay timid kaddib markii uu arkay baahida bulshadu u qabto matalaad dhab ah.

Eng. Jaamac Cali Jaamac

Musharraxa ayaa hadii uu ku guuleysto kursiga dadka deegaanka u ballanqaaday wax ka qabashada arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, kalluumaysiga iyo horumarinta jidadka.

Dhankooda bulshada Bandarbeyla qeybaheeda kala duwan ee waxgaradka, dhallinyarada iyo haweenka ayaa soo dhaweeyey musharraxnimada Eng. Jaamac Cali Jaamac.

PUNTLAND POST