Baarlamanka Turkiga oo ansixiyay Qaraar ku saabsan Hawlgal Ciidan oo ku wajahan Soomaaliya

Baarlamanka waddanka Turkiga, ayaa xalay ansixiyay Qaraar ku saabsan, in mudda sannad ah lagu kordhiyo Hawlgalka  Ciidamada Turkiga ee ku sugan xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.

Hawgalkaas Ciidamada Turkiga oo ku ekaa 10-ka bisha February ee sannadkan 2021, ayaa lagu kordhiyay  mudda sannad ah oo ku eg 10-ka bisha February 2022, sida laga soo xigtay Qaraarka Baarlamanka.

Ciidamada Turkiga ee jooga Xeebaha Soomaaliya, ayaa qaabilsan Ilaalinta maraakiibta iyo doonyaha Ganacsiga Turkiga, si aysan ula kulmin weeraro uga yimaada Burcad-badeedda Soomaalida.

Qaraarka waxa lagu sheegay, in Ciidamada Badda Turkiga ee ka hawlgala xeebaha Soomaaliya ay muhiim u yihiin Amniga maraakiibta iyo doonyaha Ganacsiga Turkiga ee mara Gacanka Cadmeed, sidaas darteedna loo kordhiyay mudda sannad ah.

PUNTLAND POST