Puntland: Waa kuwee degmooyinka ay ka dhici doonaan doorashooyin hordhaca?

Guddiga ku-meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa shaaciyay 3 degmo oo ay doorashooyin Gole Deegaan oo hordhaca ka dhici doonaan bisha Juun ee sanadkan 2021.

Warbxin uu soo saaray Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa lagu sheegay in degmooyinka Qardho, Eyl iyo Uffeyn laga qaban doono doorashooyinka qof iyo cod ah oo hordhaca.

Guddiga ayaa sheegay in 3-da degmo laga soo xushay 16 degmo oo qiimeyn lagu sameeyay, laguna doortay xasilooni, xuduudo waafiya, jiritaan siyaasadeed iyo mid deegaan, gobolada oo kala duwan iyo in ay leeyihiin dad danaynaya ka qaybqaadshada doorashooyinka hordhaca.

Warbixinta Guddiga ayaa lagu xusay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ay dhameystirtay kala xadaynta deegaan doorashooyinka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Uffeyn.

Saddexda degmo ee Guddigu shaaciyay ayaa ku kala yaalla gobollada Nugaal (Eyl), Karkaar (Qardho) iyo Bari (Uffeyn).

PUNTLAND POST