DFS oo beenisay in ciidamo Soomaali ah ka qeybgaleen dagaalkii Tigray

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar saacadihii la soo dhaafay la isla dhexmarayay oo sheegayay in ciidamo Soomaali ah ay ku dhinteen dagaalkii Tigray.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in aysan jirin ciidamo Soomaaliya oo ka dagaalamay waqooyiga Itoobiya.

“Ma jirto ciidan Soomaaliyeed oo dowladda Itoobiya codsatay in ay u dagaalamaan oo ay ka dagaalamaan Tigray, waxaan halkan ka caddeynayaa sidoo kale in aysan jirin ciidan Soomaaliyeed oo jooga dalalka tababaraya oo u diray goob kale oo dagaal” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe.

Dhanka kale waalidiin la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay nolol iyo geeriba la’yihiin wiilashooda oo dowladda Soomaaliya tababar ugu qaaday dalka dibadiisa.

Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook ku baahiyay in 3,000 oo askari oo dowladda Soomaaliya tabarbar ugu dirtay Ereteriya ay ka qaybgaleen dagaalkii Tigray, ayna dhinteen qaar badan oo kamid ah askartaas.

PUNTLAND POST