SHISHEEYE HAYAAN KU YIMID.
Markii aynu cilmi-afeedka ka hadlaynay waxa aynu xusnay in aanu jirin af kaligiis taagan oo aanay afafka kale wax saamayn ah ku yeelan. Sidaas si la mid ah ayaanay u jirin ummad kaligeed meel taagan oo aanay cid kale ku barxanayn.
Dhulka Soomaalidu ma ahayn dhul go’doon ah oo aan caalamka xiriir la lahayn ee waxa uu ahaa dhul leh xeeb dheer oo uu dhaqdhaqaaq ganacsi oo xoog lihi ka jiray. Dhaqdhaqaaqaas ganacsi iyo sababo kale oo badan ayaa sahlayey in hirar muhaajiriina oo nolol doon ahi ay yimaadaan.
Waxaa jira dad qaba in dhulka Soomaalida ay dagaamaysteen dad ka mida ummadihii hore ee dabar go’ay, sida Finiishiyaankii iyo Camaaliqadii, oo dhiigga Soomaalida qaybo ka mida laga heli karo DNA dooda. Kitaabka 11aad ee Yuhuudda ee Kings oo ka sheekeeya taariikhda boqorradii hore ee reer banii Isra’il ayaa lagu sheegay in markii Nabi Sulaymaan calayhi salaam uu dhisayay Haykalka Baytul Maqdis uu ka soo waariday dhulka Opher dahabkii, qalinkii iyo dagxuuntii qaaliga ahayd ee lagu qurxiyey haykalkiisa, ciddii masuulka uga ahayd safaradaas na ay ahayd Finiishiyaankii oo ku xeeldheeraa marinka badaha, xiriirna la lahaa dadyawgaas.
Inkasta oo aan heshiis lagu ahayn halka uu yahay dhulka Ophir, haddana taariikh yahan yuhuudi-Roman ahaa oo noolaa labo kun oo sano ka hor, lana oran jiray Flavius Josephus ayaa qaba in Ophir ay yihiin dad ka mida dadkii Troglodtiska la oran jirey ee dagganaa badda cas ilaa dhulka Soomaalida ee aynu horay uga soo sheekaynay in Soomaalidu ka mid ahayd, eeg buugga 1aad ee kitaabkiisa Antiquities Of The Jews.
Dhanka kalana waxaa jira dad qaba in Camaaliqadii reer Caad qaybo ka mid ahi ay dagaamaysteen dhanka waqooyi bari ee dhulka Soomaalida, dadkaas ayaa qaba in dadka baaxaaliga waawayn ee lagu arkay qabbuuro laga qoday dhanka waqooyi bari ee Soomaaliya ay u badan yihiin Camaaliqadaas.
Ganacsadihii Romanka ahaa ee dhulka Soomaalida maray bilowgii qarnigii 1aad ee Miiladdiga, qoraalkiisiina aynu horay uga soo sheekaynay, waxa uu xusay in dawladdii Ximyarka ee Yaman ka talinaysay ay dhulka Soomaalida galaangal wayn ku lahayd. Wuxuu sheegay in Ximyarku ka talin jireen canshuurta na ka qaadan jireen wixii koonfur ka xiga Xaafuun. Waxaa kale oo arintaas xoojinaya xog ku taal kitaabka Zanuuj oo oranaysa in magaalada Xamar ay aasaaseen Ximyariyiintu, magaca Xamarna uu yahay Ximyar oo uu isbaddal ku dhacay.
Qabaa’il Carbeed oo soo hayaamay
Laakiin wixii ka dambeeyey soo ifbixitaankii Islaamka waxaa jirey mawjado muhaajiriin Carab iyo Faarisiyiin ah oo gayiga Soomaalida soo gaarayey, gaar ahaan xilliyadii ay jireen dawladihii Amawiyiinta iyo Cabbaasiyiinta. Inta badan muhaajiriintaani waxa ay ahaayeen kuwo ka soo cararayey xasilooni darro ka dhalatay khilaafyo siyaasadeed oo gayigoodii hareeyey.
Sida uu qabo Dr. Ali Cabdiraxmaan kooxdii ugu horraysay ee ahayd muhaajiriin Carbeed ee xilligaan dhulka Soomaalida u soo qaxda waxa ay ahaayeen Cummaaniyiintii reer Julundi ee ka soo qaxay dagaaladii Xajaaj ibn Yusuf uu ku hayey. Waxaa ku xigay Zaydiyiintii ka soo qaxay dilkii loo gaystay hoggaamiyahoodii Zayd Ibn Hasan Ibn Cali. Waxaa ku xigay koox ka soo hayaantay Al-Xasa oo Baxrayn ahayd oo ay hoggaaminayeen todoba nin oo walaala ah iyo ugu dambayntii Faarisiyiintii reer Shiiraaz. Dadkaani dhammaantood waxa ay dageen xeebaha Banaadir illaa xeebaha Tanzaniyada maanta.
Sida uu kitaabkiisa Buqyatul Aamaal Fii Taariikhul Soomaal uu ku qoray Shariif Al-Caydaruusii, qabaa’ishii Carbeed ee xeebaha Banaadir ee Soomaaliya u soo haajiray waxa ay ka koobnaayeen soddon iyo sagaal qabiil, oo ay ka mid ahaayeen 12 Qaxdaaniyiina. Qoraagu waxaa kale oo uu xusay in xilligii Cabbaasiyiinta ay racac kale oo muhaajiriin Carbeeda ahi xeebaha Banaadir u soo haajireen. Muhaajirintaas waxaa ka mid ahha sida uu Shariifku qabo: Aal Cammuuddii, Aal Baa Mukhtaar, Aal Baa Saddiiq, Aal Calaa’udiin iyo Saddex iyo toban kale oo reerood oo magacyadaan aalka ah wata. Dadkaan Carbeed ee magacyadaan wata, magacyadooda ayaa loogu yeeri jiray wixii ka horreeyay qarnigii 16aad intaan qabaa’isha Daranddoolluhu (Hawiye) qabsan magaalada Muqdisho. Xilligaas wixii ka dambeeyey qabaa’ishaani waxa ay ku taloobeen qabaa’ishii Soomaalida ahayd, waxa ayna la baxeen magacyo Soomaali ah sida Bandhabow, Moorshe, Saddex Geeddi, Dhabarwayne, Iskaashato, Reer Fiqi iyo kuwo kale.
Sidoo kale Abdiraxmaan Ibn Khalduum waxa uu kitaabkiisa taariikhda ku xusay in markii Tataarku uu dhulka islaamka ku soo duulay uu Suldaankii Khawaarasimiyiintu Jalaaludiin Al-Khawaarisimi uu magaalooyin ay ka mid ahayd mid la oron jiray Shaash uu dadkii ka raray dhulka na la simay, si’aan Tataarku uga faa’iidaysan. Dadkii dhulkaas dagganaa ayaa u guuray magaalooyin ay Muqdisho ka mid ahayd sida uu Ibn Khalduum xusay. Dadkii halkaas ka soo qaxay wali waxa ay wataan magacii magaaladoodii, oo waxaa la loogu yeeraa Shaanshi.
Qarnigii 13aad Muqdisho waxa ay ahay magaalo ay dagganaayeen dad qalaad oo gibilcad ah sida uu qabo Yaaquut Al-Xamawi, laakiin ku taalay bartanka dadkii Soomaalyeed ee dhulka iska lahaa. Siddeed boqol oo sano ka bacdi dakii qalaad ee uu Yaaquut sheegayey, waa dadka wali daggan xeebaha Banaadir ee shakli ahaan iyo dhaqan ahaanba Soomaalida inteeda kale looga sooci karo.
Dhanka kalana magaalada Zaylac oo ka tirsanayd dhulka Soomaalida ayaa ahay magaalo Islaam oo ay ku noolaayeen dadyow kala gaddisan oo Carab iyo Cajam ba lahaa.
Zaylac waxa ay ahayd marso ay aad u isticmaali jireen boqortooyadii Xabashidu oo laga dhoofin jirey addoonta iyo wixii kale ee badeecad ahaa oo dhulka xabashidu caanka ku ahaa. Waxaa kale oo mari jirey dhammaan badeecadaha ku sii jeeda dhulka Xabashida. Marar badan waxaaba dhacaysay in ay taariikhyahannadii Carbeed Zaylac ku tilmaamaan Jaziirad raacsan Yaman. Sabatuna waa awooddii ganacsi iyo siyaasadeed ee ay Carabtu magaalada ku lahayd.
Ducaad Diinta Fidinaysay.
Si lamida muhaajiriinta siyaasadeed iyo kuwa ganacsi doonka ahaa ee u soo haajiray xeebaha Soomaalida, ayaa waxaa jirey ducaad iyo culimmo diinta Islaamka fidinaysay oo iyana gayiga yimid. Ducaaddaas ayaa badankooda ka imaanayey Xijaas iyo Yaman. Wadaaddada waa wayn ee gayiga Soomaalida yimid waxaa ka mid ahaa Yusuf Al-Kawnayn oo Soomaalidu Aw-Barkhadle u taqaan, ahna ninka la yiraahdo waxa uu seeska u dhigay hinkaadda Quraanka. Inkasta oo su’aali ka taagan tahay sida uu wadaad qalaad oo muhaajir ahi awood ugu yeeshay in uu hindiso cilmi-afeed saldhig u ah af uusan u dhalan.
Shiikh Ibrahim Abu Zarbay iyo afartan iyo afar daaci oo uu ka mid ahaa ayaa iyana la sheegaa ina ay dhulka Soomaalida soo gaareen. Shiikhaan waxaa la yiraahdaa waa ninka mar dambe Jaadka Yaman geeyey. Shiikh Abaadir iyo xertiisii oo galbeedka Soomaaliya gaar ahaan Harar caan ka ahaa, ayaa isna ka mid ahaa wadaadadii diinta fidinayey ee dhulka Carbeed ka soo haajiray.
Dagaalyahanno Jihaad Doona.
Haddii aynu eegno dhanka raggii jihaad doonka ahaa ee carbeed ee u imaanayey in ay ka qayb qaataan dagaaladii u dhaxeeyey muslimiintii reer Zaylac ee Soomaalidu ka midka ahayd iyo Xabashidii Nasaarada ahayd ayaan iyaguna yarayn. Waxaa jiray boqolaal dhalinyaro Carbeeda oo ka qayb qaadan jiray jihaadkaas. Carab Faqiih qoraaga kitaabka Fatuux Al-Xabasha waxa uu meelo badan ku xusayaa raggii Carbeed ee jihaad doonka ahaa ee ka qayb qaadanayey duulaankii uu hoggaaminayey Iimaan Axmad Guray. Raggaani waxa ay ahaayeen reer Xijaas, reer Yaman iyo reer Maqrib, sidoo kale waxa uu sheegay Asharaaf badan oo dhulka dagganayd.
Isku soo wada duuboo dadyawgaas dhulka Soomaalida soo galay nooca ay doonaanba ha u soo galeene iyo kuwo kale oo badan oo aynaan aqoon xilli ay yimaadeen, waxa ay ku milmeen dadkii asalka ahaa ee dhulka dagganaa, laakiin taas micnaheedu maahan in dadkii caraboobay. Mar walba dadkii dhulka dagganaa waxa aynu soo aragnay in ay ahaayeen dad si gooniya loo xusayey oo magacooda loo yaqaanay.
La soco qaybta 15aad
Mohamed Ahmed Elmi.