
Weriyihii caanka ahaa Axmed Cabdinuur ayaa maanta ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Axmed Cabdinuur ayaa sida eheladiisu sheegeen u geeriyooday xanuunka safmarka ah ee Covid-19.
Axmed Cabdinuur ayaa sanadkii 2019-kii ka fariistay shaqada Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, oo markii hore uu ku soo biiray sanadkii 1996.
Axmed Candinuur ayaa shaqada saxaafadda ku soo biiray 1982 markaas oo Radio Muqdisho uu ka shaqo billaabay.
PUNTLAND POST