Dowladda Ingiriiska, ayaa xalay si rasmiya uga baxday Midowga Yurub oo ay ka tirsanayd mudda ku dhow 50-sano.
Kadib 11 bilood oo lagu jiray Kal-guurka UK iyo Midowga Yurub, waxa sannadka cusub u curtay Ingiriiska oo gebi ahaanba ka baxay Midowgaas.
Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson, ayaa sheegay in UK ay heysato xoriyadeeda ayna arimaheeda u sameysaneyso, si ka duwan oo ka wanaagsan sidii hore.
Ingiriiska kama shaqeyn doonaan sharciyada Yurub ee ay 50 sano u hogaansameysay sida ganacsiga xorta ah, maxkamada Yurub ,iskaashiga amaanka iyo dhanka socdaalka oo dadka Yurubta kale.
PUNTLAND POST