
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha xukumadda federaalka Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Xeer-nidaamiyaha sharciga shirkadaha Soomaaliya ee Law lambar 18 oo la soo-saaray 26-kii bishii December 2019.
Xeerkan ayaa noqon doona mid lagu dhaqan-geliyo sharciga shirkadaha kaasi fududeynaya hab-raaca dhismaha, diiwaan-gelinta shirkadaha, laysimada iyo adeegyada kale ee ganacsigu u baahan yahay.
Kulankaan lagu saxeexayey Xeer-nidaamiyaha, ayaa waxa sidoo kale ka soo qeyb-galay wasiiru-dawlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukumadfda federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Cali Maxamed Sh. Bagadi, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo xubno kale.
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ayaa sheegay in xeerkan uu yahay mid dhiiri-gelinaya ganacsiga, wax-soo-saarka iyo maal-gashiga sidoo kalena horumarin doona guud ahaan dhaqaalaha wadanka. Isaga oo sidoo kale na carabka ku dhuftay in xeer-nidaamiyahani sahlaayo in iyada oo la adeegsanayo fursadaha farsamada iyo tiknoolajiyadda ay ganacsatadu adeegyada Wasaaraddu bixiso heli doonaan iyaga oo jooga xafiisyaddooda iyo goobahooda shaqo.
PUNTLAND POST