Wasiir ka tirsanaa Puntland oo iscasilay iyo sababta

Wasiirkii Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland, Maxamuud Xaaji Saalax ayaa si rasmiya warqad is casilaad ah ugu gudbiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Warqadda Iscilaaddiisa, ayuu ku sheegay in isaga iyo Madaxweyne Deni ay isku fahmi waayeen Nidaamka shaqo ee Wasaaradda Kalluumeysiga, sidaas darteedna uu xilka isaga casilay.

Iscasilaadda Wasiir Maxamuud Xaaji Saalax, ayaa loo aanaynaya khilaaf xooggan oo Wasaaradda ka dhex jiray tan iyo markii uu xilka la wareegay, kaas oo la xiriira Arrimaha Maamulka Dhaqaalaha Wasaaraddaas.

Waxa xusid mudan, in Warbaahinta Puntland Post ay xogta ku saabsan Iscasilaadda Wasiirkan daabacday 12-kii November ee sannadkan 2020 wakhtigaas oo uu xoogaystay khilaafka mas’uuliyiinta Wasaaradda Kalluumeysiga.

PUNTLAND POST