Faahfaahin ka soo baxaysa shil xooggan oo ka dhacay nawaaxiga Carmo

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa, shil xooggan oo shalay ka dhacay nawaaxiga degmada Carwo ee Gobolka Bari, halkaas oo ay isku dhaceen laba gaari oo nooca yar yar ah.

Inta la xaqiijiyay, hal ruux ayaa ku geeriyooday shilka, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 qof, oo ay ku jiraan hooyo iyo 5 carruur ah oo ay dhashay, sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta Isbitaalka Carmo.

Dhaqaatiirtu waxay sidoo kale sheegeen, in gurmad deg deg ah loo fidiyay dhaawacyada, oo qaarkood liitaan, balse kuwa xaaladoodu adagtahay loo gudbin doono magaalada Boosaaso.

Shilalka gaadiidka, ayaa muddooyinkan dambe ku soo badanayay, laamiga xiriiriya Garoowe iyo Boosaaso, iyadoo todobaadyadii dambe ay ka dhaceen ilaa lix shil oo khasaare kala duwan gaystay.

PUNTLAND POST