
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo ay weheliyaan qaar kamid ah Wefdigiisa, ayaa xalay Garoowe kulan kula yeeshay Dalladda Ururada Bulshada Rayidka Puntland ee (PUNSAA).
Kulanka waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Rayidka Puntland, Faysal Axmed Warsame iyo xubno kale oo ka tirsan Dallada PUNSAA, waxaana looga wada-hadlay marxaladda kala guur ah ah ee dalka, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada 2020/2021.
Ra’iisul wasaare Rooble, wuxuu Ururada Bulshada Rayidka Puntland uga warbixiyay Arrimaha Xukuumaddiisa uga qabsoomay hirgelinta Doorashada iyo xal u helidda khilaafka ka taagan Guddiga Doorashada heer Federaal.
PUNTLAND POST