Xalwaara malaga gaari karaa caqabadaha soo noqnoqda xiliyada doorashada Soomaaliya?

Abdifitah Sugule

abdifitah.sugule@gmail.com

Markaan dib u milicsano sadexdii doorasho u danbeesay ee dalka ka dhacday laguna kala doortay Madaxwayne Shiikh shariif 2009, Madaxwayne Xasan shiikh 2012, Madaxwayne Farmaajo 2017 iyo doorashada 2021 dhacaysa waxaa jira caqabado soo noqnoqonaya oo aan xal waarana laga gaarin, badanaa waxaa lagu xaliyaa heshiiyo siyaasadeed oo marxalada looga gudbo.

Dastuurka Soomaaliya (2012) waxuu doorasho u aqoonsanyahay hal qof iyo cod, sida uu qorayo qodobka 46aad unaqoran “Awoodda isxukunku waxay ka bilaabataa, kuna dhammaataa shacabka, asaga oo adeegsanaya awoodda ah in mar kasta oo loo baahdo uu hay’adaha iyo wakiillada shacabka ku oogi karo la- xisaabtan”.

Maxay tahay caqabadaha soo noqnoqda doorashooyinka Soomaliya?

1- Khilaaf habraaca doorashado u dhacayso (doorasho qof iyo cod ah iyo doorasho dadban)
2- Habraaca lagu xaliyo khilaafka siyaadada oo aan jirin, badanaa beesha caalamka baa soo kala dhexgasha madaxda Soomalida markii ay heshiin wayso.
3- Khilaaf xiliga doorashadu ay dhacayso oo muran gala (kuma darsan kartid iyo waan ku darsan)
4- khilaaf gudiga doorashada qabanaya, markasta waa laduraa gudiga doorashada ay magacawdo dowladu.
5- Khilaafka u dhaxeeya Dowlda Fadraalka iyo dowladaha xubnaha ka ah oo cirka isku shareera xiliga doorashada.
6- Khilaaf faraglinta xulista ergooyinka iyo doorashada baarlamaanka.
7- Laaluusha iyo gadashada cododka oo noqotay caado siyaasadeed xalaal ah xiliga doorashada.
8- Khatar Amni goobaha doorashada iyo ergada wax doorata.
9- Khilaaf Habraaca lagu dooranayo xubnaha baarlamaanka ee gobolada waqooyi (Somaliland). Caqabadahaas iyo kuwa kale oo hada xasuusanba way soo noqnoqdaan.

Hadaba, caqabadahaas oo soo noqnoqonaya doorasha kasta suurtagal matahay in madaxdeeno iyo waliba bulshadda ay ka gaaraan heshiis bulsho (Social contract) oo waara?

maadama ay tahay doorashooyinka asaaska dowladnimada iyo xukunka, waxaan soo jeedin in heshiis waara laga gaaro dhamaan khilaafaadka iyo caqabadaha soo noqnoqda doorashooyinka Soomaaliya, kuwaasoo sababi kara in dalkeenu galo khalkhal amni iyo mid siyaasadeed hadii aan xal laga gaarin.

Waxaan ka codsan Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu qabto shirwayne qaran oo looga arinsanayo laguna daaweenayo khilaafaadkaan doorasho kasta soo noqnoqda lana furo dood caafimaad qabta iyo wada xaajood dhab ah.

Laguna gaaro heshiis bulsho ayna ka soo baxdo in Soomaali ku heshiisay doorashada tan xigta ay noqoto mid qof iyo cod ah, sidoo kale in laga guuray doorashooyinka dadban oo ku dhisan qabiilka.

W.Q: Abdifitah M. Sugule

abdifitah.sugule@gmail.com