
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xilalkii ka qaaday saddex kamid ah golihiisa wasiirada, sidoo kalana magacaabay xubno cusub.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed u magacaabay Ibraahim Cali Aadan Janax oo horey u ahaa Guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose
Sidoo kale madaxweynaha Koonfut Galbeed ayaa Wasiirka Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda u magacaabay Cali Maxamed Cali, halka uu Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed u magacaabay Cumar Axmed Aadan.
Wareegto ka soo baxay madaxweyne Lafta-gareen ayaa lagu sheegay sababta loo magacaabay wasiirada cusub in ay tahay baahi loo qabo dardar-gelinta howlaha maamulka iyo ahmiyada golaha wasiirada ee Koonfur Galbeed.

PUNTLAND POST